{"id":13309,"date":"2026-07-28T10:57:26","date_gmt":"2026-07-28T10:57:26","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13309"},"modified":"2026-07-28T10:57:26","modified_gmt":"2026-07-28T10:57:26","slug":"wasiir-cali-xoosh-oo-si-adag-uga-jawaabay-mucaaradka-dib-looguma-noqonayo-marxaladihii-ku-meelgaarka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13309","title":{"rendered":"Wasiir Cali Xoosh oo si adag uga Jawaabay Mucaaradka: \u201cDib Looguma Noqonayo Marxaladihii Ku-meelgaarka\u201d"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado, July 28 2026 {CBB}<\/strong><\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa si adag uga falceliyay baaqii ay siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ku soo jeediyeen in Soomaaliya loo dhiso gole KMG ah oo maamula dalka.<\/p>\n<p>Qoraal uu soo saaray, wasiirka ayaa sheegay in siyaasiyiintu ay xor u yihiin soo bandhigista aragtiyahooda, balse ay muhiim tahay in fikradahaasi ay noqdaan kuwo horseeda horumar, isla markaana ilaaliya dowladnimada Soomaaliya.Somalia travel guide<\/p>\n<p>Cali Xoosh ayaa ku eedeeyay mucaaradka inay ku guuldarreysteen doodihii la xiriiray hannaanka doorashooyinka, isagoo sheegay in hadda ay soo bandhigayaan fikrado dib u celinaya dalka. Wuxuu xusay in lixdii dowladood ee ugu dambeysay ay dhammaantood ku yimaadeen doorashooyin dadban, balse Soomaaliya ay hadda u gudubtay nidaamka doorashada qof iyo cod.<\/p>\n<p>Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa go\u2019aaminaya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in aan la aqbali doonin dib ugu laabashada marxaladihii ku-meelgaarka ahaa.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Cali Xoosh ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo ku dhisan dhameystirka dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, isagoo caddeeyay in dowladdu ay dooratay jidka horumarka isla markaana aysan jiri doonin dib u noqosho.Somalia travel guide<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado, July 28 2026 {CBB} Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa si adag uga falceliyay baaqii ay siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ku soo jeediyeen in Soomaaliya loo dhiso gole KMG ah oo maamula dalka. Qoraal uu soo saaray, wasiirka ayaa sheegay in siyaasiyiintu ay xor u yihiin soo bandhigista [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13310,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13309","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13309","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13309"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13309\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13311,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13309\/revisions\/13311"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13310"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13309"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13309"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13309"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}