{"id":1331,"date":"2024-11-02T07:41:29","date_gmt":"2024-11-02T07:41:29","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1331"},"modified":"2024-11-02T07:42:41","modified_gmt":"2024-11-02T07:42:41","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-madaxa-hayadda-sirdoonka-maraykanka-oo-ka-wada-hadlay-arrimo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1331","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh &#038; Madaxa Hay\u2019adda Sirdoonka Maraykanka oo ka wada hadlay arrimo\u2026"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabti 2, Nov 2024 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehelinayey Agaasimaha Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Hay\u2019adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), William J. Burns.<\/p>\n<p>Kulanka Madaxweynaha iyo Agaasimaha CIA ayaa diiradda waxaa lagu saaray, \u201ciskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, qorshaha bixitaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), iyo xasilloonida Geeska Afrika,\u201d sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.<\/p>\n<p>Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada nabadda iyo amniga, iyaga oo xaqiijiyey sida ay uga go\u2019an tahay sii wadidda dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Agaasimaha Hay\u2019adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), William J. Burns ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho todobaadkaan, taas oo ka dhigan booqashadii labaad uu ku yimid Soomaaliya, isaga oo horraantaan Muqdisho soo gaaray, xilli uu kulan la yeeshay Madaxweynaha iyo Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabti 2, Nov 2024 {CBB}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehelinayey Agaasimaha Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Hay\u2019adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), William J. Burns. Kulanka Madaxweynaha iyo Agaasimaha CIA ayaa diiradda waxaa lagu saaray, \u201ciskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":1332,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1331","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1331","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1331"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1331\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1333,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1331\/revisions\/1333"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1332"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1331"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1331"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1331"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}