{"id":13315,"date":"2026-07-28T11:09:29","date_gmt":"2026-07-28T11:09:29","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13315"},"modified":"2026-07-28T11:09:29","modified_gmt":"2026-07-28T11:09:29","slug":"cumar-cabdirashiid-gaalkacyo-maahan-calmiskaad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13315","title":{"rendered":"Cumar Cabdirashiid \u201cGaalkacyo ma\u2019ahan Calmiskaad\u201d"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado, July 28 2026 {CBB}<\/strong>Ra\u2019iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali ayaa ka hor yimid ciidamo la sheegay in maamul gobaleedka Puntland uu ku soo daabulayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhanka Puntland.<\/p>\n<p>Cumar ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo aysan ahayn Calmiskaad, isla markaan madaxda maamul gobaleeddka Puntland ay ka waantoobaan hurinta dagaal uu ku tilmaamay \u2018gardarro\u2019 kaas oo ka dhan ah ciidamo kale oo Puntland ah, iyada oo aanay jirin wax saldhig sharci ah oo arrintaas lagu cuskado.<\/p>\n<p>Qoraal kooban uu ku baahiyay bartiisa\u00a0<a href=\"https:\/\/x.com\/OmarSharmarke\/status\/2081960810260115497?s=20\">X<\/a>\u00a0ayuu Ra\u2019iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar ku yiri, \u201cHubka iyo awoodda ciidan ee loo jihaynayo colaaddan soo ifbaxaysa ee magaalada Gaalkacyo waxay si weyn u wiiqi doonaan awoodda bini\u2019aadannimo iyo agabka lagama maarmaanka u ah dagaalka lagula jiro argagixisada.\u201d<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali ayaa ka digay in isku dhac ka dhaca magaalada Gaalkacto uu horseedi kara cawaaqib halis ah, oo ay ka mid yihiin xasillooni-darro gobolka ku faafta, dhibaato bani\u2019aadantinimo, iyo khatarta ah in ciidamo kale ay ku lug yeeshaan iskahorimaadkan militari.<\/p>\n<p>Mr. Sharmaake ayaa fariin u diray Mas\u2019uuliyiinta dowladda, isimada dhaqanka, iyo culimada Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in ay waajib ka saaran tahay ka hor tagga colaad aan loo baahnayn isla markaana ay doortaan wada hadal.<\/p>\n<p>Horraanta todobaadkaan maamulka Puntland ayaa dowlad gobaleedka Galmudug uga digay in deegaannada maamulka la soo marsiiyo saanad ciidan iyo ciidamo, kuwaas oo u soo gudbnaya dhanka maamulka Puntland.<\/p>\n<p>Maamul Gobaleedka Galmudug oo isna ka hadlay warka ka soo yeeray Puntland ayaa sheegay in aysan diyaar u ahayn dagaal ka dhaca magaalada Gaalkacyo, loona baahan yahay khilaafaadka ka dhex jira Puntland in ay xal ka gaaraan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado, July 28 2026 {CBB}Ra\u2019iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali ayaa ka hor yimid ciidamo la sheegay in maamul gobaleedka Puntland uu ku soo daabulayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhanka Puntland. Cumar ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo aysan ahayn Calmiskaad, isla markaan madaxda maamul gobaleeddka Puntland ay ka waantoobaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13316,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13315","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13315","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13315"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13315\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13317,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13315\/revisions\/13317"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13316"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13315"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13315"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13315"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}