{"id":13323,"date":"2026-07-28T11:26:52","date_gmt":"2026-07-28T11:26:52","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13323"},"modified":"2026-07-28T11:26:52","modified_gmt":"2026-07-28T11:26:52","slug":"wasiirka-amniga-koonfur-galbeed-oo-kulan-la-qaatay-hayadda-inso","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13323","title":{"rendered":"Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Hay\u2019adda INSO"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado, July 28 2026 {CBB}<\/strong>Baydhabo \u2013 Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Isaak Maxamed (Korsaar), ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday Hay\u2019adda INSO (International NGO Safety Organisation).<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Wasaaradda Amniga iyo Hay\u2019adda INSO, gaar ahaan dhinacyada la xiriira amniga guud, is-dhaafsiga xogaha ku saabsan xaaladaha amni, iyo tayeynta qorsheynta amniga ee ka jirta deegaanada Koonfur Galbeed.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida, isla markaana loo abuuri lahaa jawi amni oo ku habboon hawlaha hay\u2019adaha samafalka, si ay si hufan ugu adeegaan bulshada ku nool deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.<\/p>\n<p>Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Yasin Cabdullaahi, iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadda, Mudane Sabir Mohamed Ali, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay doodaha ku saabsan horumarinta qorshayaasha amniga iyo iskaashiga hay\u2019adaha la shaqeeya Wasaaradda.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-13324\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/hhhhh-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/hhhhh-300x200.jpg 300w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/hhhhh-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/hhhhh-768x512.jpg 768w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/hhhhh-1536x1025.jpg 1536w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/hhhhh-630x420.jpg 630w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/hhhhh-537x360.jpg 537w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/hhhhh-640x427.jpg 640w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/hhhhh-681x454.jpg 681w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/hhhhh.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado, July 28 2026 {CBB}Baydhabo \u2013 Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Isaak Maxamed (Korsaar), ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday Hay\u2019adda INSO (International NGO Safety Organisation). Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Wasaaradda Amniga iyo Hay\u2019adda INSO, gaar ahaan dhinacyada la xiriira amniga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13324,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13323","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13323","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13323"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13323\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13325,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13323\/revisions\/13325"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13324"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13323"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13323"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13323"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}