{"id":13406,"date":"2026-08-02T07:49:43","date_gmt":"2026-08-02T07:49:43","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13406"},"modified":"2026-08-02T07:49:43","modified_gmt":"2026-08-02T07:49:43","slug":"deni-oo-boosaaso-kula-kulmaya-wafdi-sare-oo-mareykan-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13406","title":{"rendered":"Deni oo Boosaaso Kula Kulmaya Wafdi Sare oo Mareykan ah"},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad\u00a0 2 Agoosto\u00a0 2026 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta u ambabaxaya magaalada Boosaaso, kaddib markii uu baajiyay khudbad uu xalay ka jeedin lahaa magaalada Garoowe oo ku saabsaneyd munaasabadda xuska 1-da Agoosto.<\/p>\n<p>Sida ay sheegayaan wararka la helayo, Madaxweyne Deni ayaa Boosaaso kula kulmi doona wafdi ka socda Mareykanka oo uu hoggaaminayo Major General Claude K. Tudor Jr..<\/p>\n<p>Kulanka ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, gaar ahaan sugidda amniga badaha, la-dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda, iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha amniga gobolka.<\/p>\n<p>Wafdiga Mareykanka ayaa sidoo kale shalay booqasho ku tagay Somaliland, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).<\/p>\n<p>Kulamadan xiriirka ah ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan wada-shaqeynta dhinaca amniga ee Mareykanka iyo maamullada kala duwan ee Soomaaliya, iyadoo gobolka uu wajahayo caqabado la xiriira amniga, argagixisada iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad\u00a0 2 Agoosto\u00a0 2026 {CBB}Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta u ambabaxaya magaalada Boosaaso, kaddib markii uu baajiyay khudbad uu xalay ka jeedin lahaa magaalada Garoowe oo ku saabsaneyd munaasabadda xuska 1-da Agoosto. Sida ay sheegayaan wararka la helayo, Madaxweyne Deni ayaa Boosaaso kula kulmi doona wafdi ka socda Mareykanka oo uu hoggaaminayo Major [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13407,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13406","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13406","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13406"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13406\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13408,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13406\/revisions\/13408"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13407"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13406"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13406"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13406"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}