{"id":13476,"date":"2026-08-06T17:17:42","date_gmt":"2026-08-06T17:17:42","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13476"},"modified":"2026-08-06T17:17:42","modified_gmt":"2026-08-06T17:17:42","slug":"puntland-oo-war-ka-soo-saartay-la-wareegista-saldhiga-ciidama-psf-ee-boosaaso","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13476","title":{"rendered":"Puntland oo war ka soo saartay la wareegista saldhiga ciidama PSF ee Boosaaso."},"content":{"rendered":"<p>Khamiis 6, August 2026 {CBB}Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay taliskii iyo xaruntii ay deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan oo si sharci-darro ah isu ekeeysiiyay ciidamada amniga, kuwaas oo hore loogu yiqiin PSF, taas oo si buuxda ugu jirtaa gacanta Dawladda, waxaana la xaqiijiyey amnigeeda iyo maamulkeeda.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Hawlgalkan wuxuu daba socdaa hawlgal amni oo qorshaysnaa oo shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubaysan oo falalkoodu khatar ku ahaa amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta Puntland.<\/p>\n<p>Intii uu socday hawlgalkii Gaalkacyo, Ciidanka Difaaca Puntland waxay gacanta ku dhigeen 101 eedeysane, halka sidoo kale la qabtay 60 qof oo dhaawac ah. Waxaa intaa dheer in lala wareegay hub, rasaas, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin tuutayaal Boolis, jeebbooyinka gacanta lagu xiro (handcuffs), kabaha Booliska iyo qalab kale oo ay ku jiraan agab ka mid ahaa deeqihii Dowladda Shiinaha ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Ciidanka Difaaca Puntland waxay caddeynayaan in dhammaan hawlgallada lagu fulinayo si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo ujeeddadu tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka, xoojinta hay\u2019adaha dawladda iyo dhaqangelinta sarreynta sharciga.<\/p>\n<p>Ciidanka Difaaca Puntland waxay ugu baaqayaan dhammaan kooxaha hubaysan iyo shaqsiyaadka weli ku sugan deegaannada kala duwan inay isku soo dhiibaan Dawladda Puntland, kana faa\u2019iidaystaan fursadda ay ugu soo laaban karaan nidaamka sharciga. Waxaa sidoo kale digniin adag loo dirayaa cid kasta oo gabaad, taageero ama kaalmo siisa kooxaha firxadka ah, maadaama lagula xisaabtami doono si waafaqsan sharciga.<\/p>\n<p>Ciidanka Difaaca Puntland waxay mar kale ku celinayaan in cid kasta oo diidda inay u hoggaansanto awaamiirta hay\u2019adaha amniga laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga, iyadoo la sii wadi doono hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta guud dalka.<\/p>\n<p>Ciidanka Difaaca Puntland waxay shacabka ugu baaqayaan inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay\u2019adaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta kooxaha ama shaqsiyaadka ku lug leh falalka amni-darrada ah iyagoo wacaya lambarka gaaban ee 999. Dawladda Puntland waxay dammaanad qaadaysaa ilaalinta sirta iyo badbaadada cid kasta oo bixisa xog lagu sugayo amniga.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 6, August 2026 {CBB}Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay taliskii iyo xaruntii ay deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan oo si sharci-darro ah isu ekeeysiiyay ciidamada amniga, kuwaas oo hore loogu yiqiin PSF, taas oo si buuxda ugu jirtaa gacanta Dawladda, waxaana la xaqiijiyey amnigeeda iyo maamulkeeda. &nbsp; Hawlgalkan wuxuu daba socdaa hawlgal [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13477,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13476","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13476","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13476"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13476\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13478,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13476\/revisions\/13478"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13477"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13476"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13476"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13476"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}