{"id":13609,"date":"2026-08-11T07:18:23","date_gmt":"2026-08-11T07:18:23","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13609"},"modified":"2026-08-11T07:18:23","modified_gmt":"2026-08-11T07:18:23","slug":"xuutiyiinta-ayaa-gantaallo-ku-weeraray-magaalada-mukha-ee-yeman","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13609","title":{"rendered":"Xuutiyiinta ayaa gantaallo ku weeraray magaalada Mukha ee Yeman"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado\u00a0 11 Aug 2026 {CBB}<\/strong>Ciidamo taabacsan dowladda Yeman ayaa sheegay in xoogagga Xuutiyiintu ay weerareen magaalada dekedda ah ee Mukha.<\/p>\n<p>Qoraal lagu daabacay barta X ee ciidamada Yeman ayaa lagu sheegay in Xuutiyiintu ay \u201cgantaallo ballistic ah ku rideen\u201d magaalada ku taalla xeebta Badda Cas. Ciidamadu waxay sidoo kale sheegeen in la weeraray xarumaha iyo goobaha dekedda magaalada.<\/p>\n<p>Waxaa sii xoogeysanaya dagaalka u dhexeeya Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran iyo Ciidamada Militariga ee Yemen oo taageero ka helaya Sacuudiga Carabiya.<\/p>\n<p>Sanadkii 2000, Xuutiyiinta waxay Yemen ka bilaabeen kacdoonno dhowr ah oo ka dhan ah madaxweynihii muddada dheer xukunka hayay, Cali Cabdullaahi Saalax. Waxay dalbanayeen madax-bannaani dheeraad ah oo ay ka helaan xukunkiisa adag, gaar ahaan gobolka ay ku xoogan yihiin ee waqooyiga Yemen.<\/p>\n<p>Weerarradan ayaa inta la ogyahay lagu dilay ugu yaraan toddobo qof.<\/p>\n<p>Sanadkii 2011, kacdoonnadii shacabka ee loo yaqaanay \u201cGuga Carabta\u201d ayaa ku qasbay Madaxweyne Saalax inuu xukunka ku wareejiyo ku-xigeenkiisa, Cabdi-Rabbu Mansuur Haadi.<\/p>\n<p>Intii uu Haadi xukunka hayay, Xuutiyiinta waxay heshiis la galeen Saalax oo xilka laga tuuray iyo qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ee weli daacadda u ahaa. Waxay la wareegeen gobolka Sa\u2019da ee waqooyiga Yemen, ka dibna waxay qabsadeen caasimadda Sanca.<\/p>\n<p>Sanadkii 2015, fallaagada ayaa qabsaday inta badan galbeedka Yemen, taas oo ku qasabtay madaxweynihii inuu dalka ka baxsado.<\/p>\n<p>Sacuudi Carabiya oo deris la ah Yemen ayaa ka baqday in Xuutiyiintu la wareegaan dalka oo dhan, isla markaana Yemen ay u beddelaan goob ay wakiil uga noqdaan Iran oo ay Sacuudiga u aragto cadow.<\/p>\n<p>Sacuudi Carabiya ayaa markaas sameysay isbahaysi ka kooban dalal Carbeed, waxayna si rasmi ah u gashay dagaalka.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, sanado duqeymo cirka ah iyo dagaallo dhulka ah ka dib, Xuutiyiinta weli lagama saarin deegaannadii ay horey u haysteen.<\/p>\n<p>Xuutiyiinta ayaa waxa kordhiyeen awoodooda islamarkana waxay sameeyeen iska caabin.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado\u00a0 11 Aug 2026 {CBB}Ciidamo taabacsan dowladda Yeman ayaa sheegay in xoogagga Xuutiyiintu ay weerareen magaalada dekedda ah ee Mukha. Qoraal lagu daabacay barta X ee ciidamada Yeman ayaa lagu sheegay in Xuutiyiintu ay \u201cgantaallo ballistic ah ku rideen\u201d magaalada ku taalla xeebta Badda Cas. Ciidamadu waxay sidoo kale sheegeen in la weeraray xarumaha iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13610,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-13609","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13609","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13609"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13609\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13612,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13609\/revisions\/13612"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13610"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13609"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13609"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13609"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}