{"id":13658,"date":"2026-08-12T08:51:25","date_gmt":"2026-08-12T08:51:25","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13658"},"modified":"2026-08-12T08:51:25","modified_gmt":"2026-08-12T08:51:25","slug":"dfs-oo-sheegtay-in-maleeshiyaad-ka-tirsanaa-al-shabaab-lagu-dilay-sh-hoose","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13658","title":{"rendered":"DFS oo sheegtay in maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay Sh\/Hoose."},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco 12 Aog 2026 {CBB}<\/strong>Ciidanka Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Tawakal ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay toddobo maleeshiyaad ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka horjoogeyaal ka tirsan kooxda lagu dhaawacay.<\/p>\n<p>Sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska NISA, howlgalka ayaa lagu beegsaday xarun ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Tawakal, kaddib markii hay\u2019addu heshay xog sirdoon oo lagu xaqiijiyay in halkaasi ay ku sugnaayeen horjoogeyaal muhiim u ahaa kooxda.<\/p>\n<p>Bartilmaameedka ayaa ahaa goob gudaha ah oo ay horjoogeyaasha Al-Shabaab si gaar ah ugu kulmi jireen, waxaana la beegsaday xilli ay halkaasi ku sugnaayeen.<\/p>\n<p>NISA ayaa sheegtay in horjoogeyaasha goobta ku sugnaa ay ka mid ahaayeen Yoonis Macalim Abuukar, oo qaabilsanaa deegaanka Mushaani; Abuu Xaaji Fareey, oo ahaa horjoogaha maleeshiyaadka Al-Shabaab ee deegaanka Tawakal; Ayaatullaahi, oo ahaa horjoogaha Jabhadda Gobolka Shabeellaha Hoose; iyo Cabdifitaax Rooble, oo ahaa horjoogihii Baadda ee deegaanka Baladul-Amiin.<\/p>\n<p>Xogta hordhaca ah ayaa xaqiijisay in Yoonis Macalim Abuukar iyo Cabdifitaax Rooble ay dhaawacyo culus ka soo gaareen howlgalka.<\/p>\n<p>Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, laguna burburinayo xarumaha iyo goobaha ay maleeshiyaadku u adeegsadaan abaabulka iyo qorsheynta falalka amni-darrada.<\/p>\n<p>NISA ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgalada qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo hoggaankooda, iyadoo adeegsanaysa xogta sirdoonka iyo iskaashiga saaxiibada caalamka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco 12 Aog 2026 {CBB}Ciidanka Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Tawakal ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay toddobo maleeshiyaad ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka horjoogeyaal ka tirsan kooxda lagu dhaawacay. Sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska NISA, howlgalka ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13659,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13658","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13658","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13658"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13658\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13660,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13658\/revisions\/13660"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13659"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13658"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13658"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13658"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}