{"id":13670,"date":"2026-08-13T09:13:54","date_gmt":"2026-08-13T09:13:54","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13670"},"modified":"2026-08-13T09:13:54","modified_gmt":"2026-08-13T09:13:54","slug":"maxay-tahay-taariikhda-uu-xalay-sameeyay-garsoore-cumar-cabdiqaadir-cartan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13670","title":{"rendered":"Maxay tahay taariikhda uu xalay sameeyay Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiiis 13 Aog 2026 {CBB}<\/strong>Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa xalay dhigay rikoor cusub oo dhinaca ciyaaraha ah, isagoo noqday qofkii ugu horreeyay ee aan u dhalan Yurub, kaasi oo dhexdhexaadiya ciyaar kama dambaysta aheyd ee UEFA Super Cup.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Time &amp; Calendars\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<p>Ciyaartan oo dhex martay kooxaha PSG oo haysata horyaalnimada Champions League\u00a0 iyo Aston Villa oo ku soo guuleysatay UEFA Europa League, ayuu Cumar u maamulay si ay ku jirto Xirfad iyo Degannaan.<\/p>\n<p>Natiijada Ciyaarta Kulanka ayaa kusoo dhammaaday 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda PSG. Labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar ku dhisan weerar iyo difaac isugu jirta, balse garsoore Cumar Cartan ayaa si weyn loogu ammaanay sida uu u maareeyay cadaadiska ciyaarta, go\u2019aannadiisii dhex-dhexaadnimadii uu muujiyay.<\/p>\n<p>Ciyaarta ayaa waxaa ka qeyb galay taageerayaal badan, iyadoo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen Madax uu kamid yahay Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kagame.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxaa goobta ku sugnaa madaxda sare ee xiriirka kubadda cagta Yurub UEFA iyo marti sharaf kale oo caalami ah.<\/p>\n<p>Garsoore Cartan ayaa helay taageero caalami ah, ka dib markii bishii June ee sannadkan uu Mareykanka, diiday inuu gudaha u galo wadankaasi, si uu u dhexdhexaadiyo kulamada Koobka Adduunka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiiis 13 Aog 2026 {CBB}Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa xalay dhigay rikoor cusub oo dhinaca ciyaaraha ah, isagoo noqday qofkii ugu horreeyay ee aan u dhalan Yurub, kaasi oo dhexdhexaadiya ciyaar kama dambaysta aheyd ee UEFA Super Cup. Ciyaartan oo dhex martay kooxaha PSG oo haysata horyaalnimada Champions League\u00a0 iyo Aston [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13671,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13670","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13670","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13670"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13670\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13673,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13670\/revisions\/13673"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13671"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13670"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13670"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13670"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}