{"id":13722,"date":"2026-08-15T08:44:14","date_gmt":"2026-08-15T08:44:14","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13722"},"modified":"2026-08-15T08:44:14","modified_gmt":"2026-08-15T08:44:14","slug":"mw-xasan-sheekh-wax-kasta-oo-dad-deegaan-ku-hormari-karo-ayay-galmudug-leedahay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13722","title":{"rendered":"MW Xasan Sheekh \u201cWax kasta oo Dad &#038; Deegaan ku hormari karo ayay Galmudug leedahay\u201d"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabti 15 Aug 2025 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay aasaaska Maamulka Galmudug ayaa bogaadiyay tallaabooyinka lagu horumaray deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Astronomy\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wax badan ay u qabsoomeen Dadka reer Galmudug oo ay dareemi karaan Dadka bannaankeeda u baxa isaga oo bogaadiyay howshaas waqtiga iyo maalka la geliyay.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"filled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Waxa uu sidoo kale dul istaagay isbaddelka muuqda ee Dalka ka jira isaga oo xusay in Soomaaliya ay kasoo kabatay dhibaatooyinkii kasoo gaaray burburka iyo colaadihii sokeeye, waxa uu tilmaamay in inta dhiman loo istaago.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in dhinacyada wax laga qabtay ee Xoogga la saaray ay ugu muhiimsan yihiin dhinaca Amniga isaga oo tusaale usoo qaatay qaraxyadii Soobe, Isku dayo dil oo isaga qudhiisa uu ka badbaaday.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cWaxaa ina soo maray maalmo badan oo sidaani aanay suuragal ahayn in intaan oo dad ah iyaga oo wada faraxsan ay hal meel wada joogaan, 14kii Oktoobar wixii Muqdisho ka dhacay waa lawada garanayaa, Dadka meeshaan jooga ee mas\u2019uuliyiinta ah mid aan isku day dil ka badbaadin ma jiro, aniga iga soo billaaw\u201d<\/em><\/strong>\u00a0ayuu yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p>Waxa uu dhinaca kale soo jeediyay in laga shaqeeyo sidii ay u xooggaysan lahayd Dowladnimada Soomaaliya, rajo fiican ayuu ka muujiyay in laga guullaysto \u2018AS\u2019 iyo Daacish oo uu sheegay in la dhimay awooddooda balse u baahan in lasoo afjaro sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Africans &amp; Diaspora\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<p>Soomaaliya ayuu sheegay in ay cagta saartay dhabbaha isku filnaashiyaha iyada oo ka maarmayso ku xirnaanta gacmaha shisheeye, waxa uu tilmaamay in marba heer lasoo maray iyada oo ugu dambayn dadka Soomaaliyeed ay isku tashteen oo dalkeedu dhisanayaan.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cDalkeennu mardhow oo aan dheereen haddii alle idmo wuu ka baxayaa yaa waddo hal kiilo-mitir ah yaa inoo dhiso, innaga ayaa kaalmayn doonno caalamkii na taageeri jiray, Dadka waxa aan ugu baaqayaa nabad &amp; in la garab istaago Dowladda\u201d<\/em><\/strong>\u00a0ayuu yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan ayaa soo hadal qaaday nidaamka siyaasadeed ee Dalka ay doonayso in uu dalka ka dhaqangalo, waxa uu bogaadiyay Doorashooyinkii dadweyne ee Muqdisho ka billowday ee Gobollada Dalka u gudubtay.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cMa Doonayno xukun ku salaysan Nin kaligii taliye ah, Waxa aan rabnaa in uu Dalka ka dhaqan galo xukun qaanuunka ku dhaqma, Dalka &amp; Dowladda waa ka go\u2019an tahay in la helo siyaasad la garanayo Waddanka meesha uu socdo\u201d<\/em><\/strong>\u00a0Sidaasi waxaa hadalkiisa sii raaciyay MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"filled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_3_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay guda galay maalmo uu safar dhulka ah isaga kala gudbi doonno deegaannada Maamulka Galmudug, waxaana inta uu halkaas joogo uu tababar usoo xiri doonnaa ciidamo lagu tababaray Deegaanka Xanan-Buure ee Gobolka Galgaduud.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Time &amp; Calendars\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabti 15 Aug 2025 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay aasaaska Maamulka Galmudug ayaa bogaadiyay tallaabooyinka lagu horumaray deegaannada Dowlad-Goboleedkaas. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wax badan ay u qabsoomeen Dadka reer Galmudug oo ay dareemi karaan Dadka bannaankeeda u baxa isaga oo bogaadiyay howshaas waqtiga iyo maalka la geliyay. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13723,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13722","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13722","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13722"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13722\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13724,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13722\/revisions\/13724"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13723"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13722"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13722"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13722"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}