{"id":13791,"date":"2026-08-17T17:54:34","date_gmt":"2026-08-17T17:54:34","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13791"},"modified":"2026-08-17T17:54:34","modified_gmt":"2026-08-17T17:54:34","slug":"baarlamaanka-soomaaliya-oo-loo-gudbiyay-nidaamka-lagu-dhisayo-hayad-u-xilsaaran-dakhliga-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13791","title":{"rendered":"Baarlamaanka Soomaaliya oo loo gudbiyay nidaamka lagu dhisayo Hay\u2019ad u xilsaaran Dakhliga Dalka"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 17 Aug 2025 {CBB}<\/strong>Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa Golaha Shacabka maanta u gudbisay nidaamka aasaaska u ah dhismaha Hay\u2019ad u xilsaaran Dakhli uruurinta Dalka maadaama ay Soomaaliya xubin ka tahay Dalladda Bulshada Bariga Dhexe.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Exploring African Diaspora Media\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<p>Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo faahfaahin siiyay Xildhibaannada kana jawaabay su\u2019aalaha laga weydiiyay ayaa sheegay in aanay hay\u2019addaan soo kordhin doonnin lacag dheeraad ah ama soo rogi doonin canshuur cusub.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfill-optimized\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\">\n<div class=\"google-aiuf\" data-google-ad-efd=\"true\">\n<div class=\"goog-rentries\">\n<div class=\"google-anno-skip goog-rentry\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Current events coverage\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<div><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in dhismaha Hay\u2019addaan aanay kahor imaanayn heshiiskii Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada ee Baydhabo ku jaangooyeen hannaanka canshuuraha iyo maaliyadda Dalka.<\/p>\n<p><em><strong>\u201cWaxaa tacab badan la geliyay nidaamka Hay\u2019adaha Maaliyadeed guud ahaan Dalka, Dakhli uruurinta ayaa kor loo qaaday balse waxaa hadda laga maarmi waayay in la dhiso Hay\u2019ad u xilsaaran Dakhliga\u201d<\/strong><\/em>\u00a0sidaasi waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda XFS, Biixi Iimaan Cige.<\/p>\n<p><em><strong>\u201cHindise sharciyeedka lagu dhisayo Hay\u2019adda u xilsaaran Dakhliga ma waajibinayo Lacag cusub mana soo kordhinayo Canshuur dheeraad ah ee wuu xoojinayaa.\u201d<\/strong><\/em>\u00a0Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay xoogga saarayso hagaajinta nidaam la jaanqaadaya Dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Dhexe oo ay kamid tahay Canshuuraha iyo xoojinta dakhliga gudaha.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 17 Aug 2025 {CBB}Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa Golaha Shacabka maanta u gudbisay nidaamka aasaaska u ah dhismaha Hay\u2019ad u xilsaaran Dakhli uruurinta Dalka maadaama ay Soomaaliya xubin ka tahay Dalladda Bulshada Bariga Dhexe. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo faahfaahin siiyay Xildhibaannada kana jawaabay su\u2019aalaha laga weydiiyay ayaa sheegay in aanay hay\u2019addaan soo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13792,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13791","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13791","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13791"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13791\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13793,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13791\/revisions\/13793"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13792"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13791"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13791"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13791"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}