{"id":13794,"date":"2026-08-17T17:56:40","date_gmt":"2026-08-17T17:56:40","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13794"},"modified":"2026-08-17T17:56:40","modified_gmt":"2026-08-17T17:56:40","slug":"sanbaloolshe-in-shabaab-lala-safto-ma-ahan-siyaasad-mucaaradnimo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13794","title":{"rendered":"Sanbaloolshe \u201cIn Shabaab lala safto ma ahan siyaasad mucaaradnimo.\u201d"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 17 Aug 2025 {CBB}<\/strong>Agaasimihii hore ee Hay\u2019adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa shaaciyay in shacabka Soomaaliyeed aysan aqbali karin la safitaanka Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Agaasimihii hore NISA Sanbaloolshe ayaa hadalkiisa daarnaa dhaqdhaqaayo ay wadeen ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Laftagareen kuwaas oo weerar ku soo qaaday subaxnimadii hore ee saaka magaalada Baydhabo, iyaga oo weerarkaas ku bilaabay qaraxyo.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfill-optimized\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\">\n<div class=\"google-aiuf\" data-google-ad-efd=\"true\">\n<div class=\"goog-rentries\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>\u201cIn Shabaab lala safto ama lagu garab siiyo dagaalka ay kula jiraan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ma ahan siyaasad mucaaradnimo, mana aha arrin ay bulshada Soomaaliyeed aqbali karto,\u201d sida uu ku yiri Sanbaloolshe qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook.<\/p>\n<p>Agaasimihii hore ee NISA ayaa sheegay in qofkasta oo Soomaali ah ay waajib ku tahay in dowladda, dhammaan xoogagga mucaaradka iyo shacabka Soomaaliyeed ay mabda\u2019 ahaan ku midoobaan in Al-Shabaab iyo kooxaha argagixisada ay yihiin cadawga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>\u201cMabda\u2019 ahaana, mucaaradnimadu waa xaq siyaasadeed oo dastuuri ah, balse marnaba ma noqon karto cudurdaar lagu taageero, laguna garab istaago amaba lagu fududeeyo falalka argagixiso ee Al-Shabaab iyo Daacish,\u201d ayuu ku sii yiri qoraalkiisa.<\/p>\n<p>Sanbaloolshe ayaa qoraalkiisa ku soo gababayeeyay, \u201cWaa in qof, koox ama qabiil midna u heli karin wax cudurdaar ah inuu Al-Shabaab garab siiyo, ku taageero ama u fududeeyo falalkooda argagixiso.\u201d<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 17 Aug 2025 {CBB}Agaasimihii hore ee Hay\u2019adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa shaaciyay in shacabka Soomaaliyeed aysan aqbali karin la safitaanka Al-Shabaab. Agaasimihii hore NISA Sanbaloolshe ayaa hadalkiisa daarnaa dhaqdhaqaayo ay wadeen ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Laftagareen kuwaas oo weerar ku soo qaaday subaxnimadii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13795,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13794","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13794","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13794"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13794\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13797,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13794\/revisions\/13797"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13795"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13794"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13794"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13794"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}