{"id":13839,"date":"2026-08-20T09:26:12","date_gmt":"2026-08-20T09:26:12","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13839"},"modified":"2026-08-20T09:26:18","modified_gmt":"2026-08-20T09:26:18","slug":"hogaamiye-adan-madoobe-oo-isbitaalada-ku-booqday-qaar-ka-mid-ah-ciidankii-ku-dhaawacmay-dagaalkii-ka-dhacay-baydhabo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13839","title":{"rendered":"Hogaamiye Adan Madoobe oo Isbitaalada ku booqday qaar ka mid ah ciidankii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Baydhabo."},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis 20 2026 {CBB}<\/strong>Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Isbitaalada la dhigay ku booqday qaar ka mid ah halyeeyadii ciidamada ee ku dhaawacmay weerarkii ay Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen Magaalada Baydhabo.<\/p>\n<p>Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalada xaaladda caafimaad ee ciidamada, isagoo u kuurgalay xaaladdooda iyo daryeelka caafimaad ee ay helayaan ciidamada usoo dhaawacmay difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ciidamada ku ammaanay geesinimada, naf-hurnimada iyo dadaalka ay u muujiyeen difaaca shacabka iyo sugidda amniga Magaalada Baydhabo.<\/p>\n<p>Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale Alle uga baryay ciidamada dhaawaca ah caafimaad degdeg ah iyo in uu u fududeeyo soo kabashadooda, isagoo adkeeyay in Dowladda Koonfur Galbeed ay garab taagan tahay ciidamada naftooda u huraya amniga iyo nabadda dalka.<br \/>\nBooqashada Hogaamiyaha waxaa ku wehlinayey Wasiirka Maaliyada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 20 2026 {CBB}Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Isbitaalada la dhigay ku booqday qaar ka mid ah halyeeyadii ciidamada ee ku dhaawacmay weerarkii ay Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen Magaalada Baydhabo. Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalada xaaladda caafimaad ee ciidamada, isagoo u kuurgalay xaaladdooda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13840,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13839","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13839","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13839"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13839\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13842,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13839\/revisions\/13842"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13840"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13839"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13839"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13839"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}