{"id":13871,"date":"2026-08-21T16:56:02","date_gmt":"2026-08-21T16:56:02","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13871"},"modified":"2026-08-21T16:56:02","modified_gmt":"2026-08-21T16:56:02","slug":"xeebaha-mauritania-oo-lagu-badbaadiyay-tahriibayaal-u-dhashay-senegal-gambia-mali","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13871","title":{"rendered":"Xeebaha Mauritania oo lagu badbaadiyay Tahriibayaal u dhashay Senegal, Gambia &#038; Mali"},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco\u00a0 21 2026 {CBB}<\/strong>Ciidanka ilaalada Xeebaha Mauritania ayaa sheegay in uu badbaadiyay 315 qof oo Tahriibayaal ah oo la socday doon ka samaysan Al-Waax kuwaas oo u kala dhashay Dalalka Senegal, Gambia &amp; Mali waxaana ujeedkoodu ahaa Jasiiradda Canary e Dalka Spain.<\/p>\n<p>Dadkaan oo isugu jiray Rag, Dumar, Carruur iyo Dhallinyaro ayaa la kulmay xaalad adag oo dhinaca Badweynta Atlantic, ujeedkoodu waa in ay gaaraan Jasiiradda katirsan Dhulka Spain oo damacoodu ahaa in ay iska dhiibaan halka qaar kalena ay doonayeen in ay kasii gudbaan.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfill-optimized\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\">\n<div class=\"google-aiuf\" data-google-ad-efd=\"true\">\n<div class=\"goog-rentries\">\n<div class=\"google-anno-skip goog-rentry\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"History\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<div><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>War kasoo baxay Ciidanka Ilaalada Mauritania ayaa lagu kala faahfaahiyay jinsiyadda Dalkaas: 191 qof waxa ay u dhasheen Senegal, waxaa ku jiray 3 Haween &amp; 29 Carruur ah.<\/p>\n<p>123 qof waxa ay kasoo jeedaan Gambia, waxaa ku jiray 40 Dumar ah &amp; 11 Carruur.<\/p>\n<p>1 waxa uu u dhashay Dalka Mali, Xukuumadda Mauritania ma sheegin qorshaha dadkaas loo dejiyay haddii dib u dejin loo samaynayo iyo haddii dib loogu celin rabo Dalalka ay kasoo jeedaan sida hadalka loo dhigay.<\/p>\n<p>Yurub iyo Afrika waxa ay xal u raadinayaan xakamaynta qulqulka Tahriibayaasha dhibaatooyinka kala duwan kala kulma Badaha Caalamiga ah, inkasta oo aanay weli si dhab ah u helin xalkaas ay baadigoobayaan sida xogaha la helayo ay sheegayaan<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco\u00a0 21 2026 {CBB}Ciidanka ilaalada Xeebaha Mauritania ayaa sheegay in uu badbaadiyay 315 qof oo Tahriibayaal ah oo la socday doon ka samaysan Al-Waax kuwaas oo u kala dhashay Dalalka Senegal, Gambia &amp; Mali waxaana ujeedkoodu ahaa Jasiiradda Canary e Dalka Spain. Dadkaan oo isugu jiray Rag, Dumar, Carruur iyo Dhallinyaro ayaa la kulmay xaalad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13872,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13871","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13871","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13871"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13871\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13873,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13871\/revisions\/13873"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13872"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13871"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13871"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13871"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}