{"id":13874,"date":"2026-08-21T16:57:42","date_gmt":"2026-08-21T16:57:42","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13874"},"modified":"2026-08-21T16:57:42","modified_gmt":"2026-08-21T16:57:42","slug":"turkiga-oo-soomaaliya-u-tababarayo-aqoonyahannada-ka-shaqayneysa-shidaalka-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13874","title":{"rendered":"Turkiga oo Soomaaliya u tababarayo Aqoonyahannada ka shaqayneysa Shidaalka Dalka"},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco\u00a0 21 2026 {CBB}<\/strong>Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababaraysa Aqoonyahannada ka shaqeyneysa Shidaalka Dalka sida uu sheegay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay xiriirka Labada Dal.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Booking Historical Guided Tours\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya iyada oo heli karta in dhaqaale badan ay ka hesho Turkiga ay ka door bidday in loo tababaro kaadiriin ka shaqaysa arrimaha shidaalka Dalka.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfill-optimized\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\">\n<div class=\"google-aiuf\" data-google-ad-efd=\"true\">\n<div class=\"goog-rentries\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray in dhaqaale badan oo la siiyo Soomaaliya ay ka faa\u2019iido badan tahay in khubarradii maamuli lahayd Shidaalkeeda waqti la geliyo oo loo tababaro si faa\u2019iidooyin dhinacyo badan ah loo helo.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cTurkiga keliya Shidaal nooma qodaayo ee waxa uu inoo tababarayaa Khubarradii Mustaqbalka Maamuli lahayd Shidaalka, anaga oo heli karna in dhaqaale badan aan ka helno Turkiga ayaa ka dooranay in naloo tababaro Kaadiriintii maamuli lahayd\u201d<\/em><\/strong>\u00a0Sidaasi waxaa yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p>Bilaha ka dhimman sannadkaan waxaa Dowladda Turkiga looga sugayaa in ay soosaarto jawaab la xiriirta natiijada shidaalka ay horay u sahmisay kuna dhaqaaqday in ay bannaanka keento sida ay xuseen mas\u2019uuliyiin ka kala tirsan labada Dal.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco\u00a0 21 2026 {CBB}Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababaraysa Aqoonyahannada ka shaqeyneysa Shidaalka Dalka sida uu sheegay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay xiriirka Labada Dal. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya iyada oo heli karta in dhaqaale badan ay ka hesho Turkiga ay ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13875,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13874","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13874","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13874"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13874\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13876,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13874\/revisions\/13876"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13875"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13874"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13874"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13874"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}