{"id":13970,"date":"2026-08-26T07:43:02","date_gmt":"2026-08-26T07:43:02","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13970"},"modified":"2026-08-29T07:48:33","modified_gmt":"2026-08-29T07:48:33","slug":"guddiga-doorashooyinka-soomaaliya-oo-aqbalay-goaanka-maxkamadda-sare-ay-ka-soo-saartay-doorashadii-galmudug","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=13970","title":{"rendered":"Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo aqbalay go\u2019aanka Maxkamadda Sare ay ka soo saartay doorashadii Galmudug."},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco 26 Aug 2026 {CBB}<\/strong>Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay go\u2019aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira doorashadii ka dhacday dowlad-goboleedka Galmudug.<\/p>\n<p>Qoraal uu Guddigu soo saaray ayuu ku sheegay in go\u2019aanka Maxkamadda Sare, oo ku taariikhaysan 24-ka Agoosto 2026, uu khuseeyo murankii ka dhashay doorashadii isku-sidkanaa ee lagu qabtay Galmudug.<\/p>\n<p>Guddiga ayaa sheegay inuu go\u2019aankiisa ku saleeyay kaalinta dastuuriga ah ee Maxkamadda Sare, sarreynta sharciga iyo mabda\u2019a ah in khilaafaadka doorashooyinka lagu xalliyo hannaan garsoor oo waafaqsan sharciga.<\/p>\n<p>Sida uu Guddigu sheegay, Qodobka 73-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare siinaya awoodda ay ku dhageysan karto, go\u2019aan uga gaari karto, isla markaana xallin karto dacwadaha la xiriira doorashooyinka.<\/p>\n<p>Bayaanka ayaa lagu yiri \u201cIyadoo taas laga duulayo, Guddiga Doorashooyinka ayaa si rasmi ah u aqbalay go\u2019aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee ku saabsan doorashadii lagu qabtay Galmudug.\u201d<\/p>\n<p>Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay inuu soo saari doono waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada ku-celiska ah ee Galmudug, iyadoo aan weli qoraalka lagu sheegin taariikhda saxda ah ee doorashadaas.<\/p>\n<p>Go\u2019aankan ayaa imanaya xilli muranka la xiriira doorashada Galmudug uu galay marxalad sharci iyo siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabada xigta ee Guddiga Doorashooyinka iyo maamulka Galmudug.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco 26 Aug 2026 {CBB}Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay go\u2019aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira doorashadii ka dhacday dowlad-goboleedka Galmudug. Qoraal uu Guddigu soo saaray ayuu ku sheegay in go\u2019aanka Maxkamadda Sare, oo ku taariikhaysan 24-ka Agoosto 2026, uu khuseeyo murankii ka dhashay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":13973,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13970","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13970","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13970"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13970\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13974,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13970\/revisions\/13974"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13973"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13970"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13970"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13970"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}