{"id":14100,"date":"2026-09-01T11:03:14","date_gmt":"2026-09-01T11:03:14","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14100"},"modified":"2026-09-01T11:03:14","modified_gmt":"2026-09-01T11:03:14","slug":"maxay-kawada-hadlayaan-madaxda-10-dal-ee-ku-bahoobay-ururka-iskaashiga-shanghai","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14100","title":{"rendered":"Maxay kawada hadlayaan Madaxda 10 Dal ee ku bahoobay Ururka iskaashiga Shanghai?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Tuesday, September 1,\u00a02026 {CBB}<\/strong>Magaalada Bishkek ee Caasimadda Kyrgeyszstan waxaa maanta ka furmay shir u dhaxeeya Madaxda tobanka dal ee ku haboobay Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) ee sidoo kale loo garanayo Eurasia iyada oo ay ka qaybgalayaan madax kala duwan.<\/p>\n<p>Ururkaan waxaa ku midaysan Dalalka kala ah China, Russia, India, Pakistan, Iran, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Tajikistan, Uzbekistan iyo Belarus waxaana madasha ku sugan Madaxdooda sida ka muuqata muuqaallada hordhaca ah ee lasoo bandhigay.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"filled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Dalalkaan ayaa horay ugu heshiiyay in ay mideeyaan awooddooda Militari, dhaqaale iyo Ganacsi iyaga oo ka feejigan Dalalka kale ee reer Galbeedka ah sida Maraykanka oo colaad &amp; xifaaltan ku haya waddamada ugu tunka weyn ururka SCO.<\/p>\n<p><strong>Madaxda magacyadooda la sheegay ee shirka ku sugan waxa ay kala yihiin<\/strong>:<\/p>\n<p>Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, Ra\u2019iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, Ra\u2019iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko Madaxweynaha Kazakhstan, Kassym-Jomart Tokayev, Madaxweynaha Tajikistan, Emomali Rahmon, Madaxweynaha Uzbekistan, Shavkat Mirziyoyev &amp; Madaxweynaha Kyrgyzstan, Sadyr Japarov.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Learn Arabic Online\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<p>Shirkaan waxaa la diiradda lagu saarayaa qodobo badan haseyeeshee waxaa laga soo xulan karaa siddeed qodob oo kala ah:<\/p>\n<p>1-Amniga &amp; La dagaalanka Argagixisada<\/p>\n<p>2-Dagaallada ka socda Gobolka<\/p>\n<p>3-Ganacsiga iyo Dhaqaalaha<\/p>\n<p>4-Gaadiidka &amp; isku xirka Eurasia<\/p>\n<p>5-Tamarta iyo ilaalinta kaabashada muhiimka u ah<\/p>\n<p>6-AI iyo Tiknoolajiyadda sida iskaashiga ku saabsan sirdoonka macmalka ah.<\/p>\n<p>7-Deegaanka &amp; Cimillada sida tamarta cagaaran, ilaalinta deegaanka &amp; isbaddelka cimillada.<\/p>\n<p>8-Dhisiddda nidam Caalami ah oo dhinacyo badan oo ka madaxbannaan awoodda Maraykanka iyo reer galbeedka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tuesday, September 1,\u00a02026 {CBB}Magaalada Bishkek ee Caasimadda Kyrgeyszstan waxaa maanta ka furmay shir u dhaxeeya Madaxda tobanka dal ee ku haboobay Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) ee sidoo kale loo garanayo Eurasia iyada oo ay ka qaybgalayaan madax kala duwan. Ururkaan waxaa ku midaysan Dalalka kala ah China, Russia, India, Pakistan, Iran, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Tajikistan, Uzbekistan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14101,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14100","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14100","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14100"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14100\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14102,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14100\/revisions\/14102"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14101"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14100"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14100"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14100"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}