{"id":14191,"date":"2026-09-07T09:30:15","date_gmt":"2026-09-07T09:30:15","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14191"},"modified":"2026-09-07T09:30:15","modified_gmt":"2026-09-07T09:30:15","slug":"dfs-oo-raalligelin-ka-bixisay-dhacdadii-shirkadda-salam-air-ballanqaadayna-tallaabooyin-sharci-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14191","title":{"rendered":"DFS oo raalligelin ka Bixisay dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin, 7, Sept 2026 {CBB}<\/strong>Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey maamulka iyo shaqaalaha Shirkadda Duulimaadka ee Salam Air dhacdadii gacan-qaadka iyo hab-dhaqankii aan habboonayn ee loo geystay mid ka mid ah shaqaalahooda.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Somali culture resources\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<p>Wasiirka ayaa si cad u cambaareeyey fal kasta oo wax u dhimaya karaamada, sharafta, iyo badqabka shaqaalaha diyaaradaha iyo guud ahaan dadka ka shaqeeya garoomada dalka. Wuxuu hoosta ka xariiqay in hab-dhaqankaas uusan ka tarjumayn nidaamka iyo asluubta Dawladnimo ee Soomaaliya.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><ins class=\"adsbygoogle\" data-ad-client=\"ca-pub-8756589205009556\" data-ad-slot=\"1002323234\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_12_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Si looga fogaado in falalkan oo kale ay mar kale soo laabtaan, Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada waxay xaqiijinaysaa:<\/p>\n<p>Tallaabooyin Sharci ah: In ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo ku habboon oo laga qaadayo cid kasta oo ku lug lahayd falkaas.<\/p>\n<p>Badqabka Garoomada: In kor loo qaadi doono nidaamka ilaalinta iyo nabadgelyada shaqaalaha shirkadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka hawlgala dalka.<\/p>\n<p>Ixtiraamka Wada-shaqaynta: In la dhawri doono heshiisyada iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo shirkadaha duulimaadka ee u adeega shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Wasaaraddu waxay mar kale u xaqiijinaysaa Shirkadda Salam Air iyo dhammaan shirkadaha kale ee duulimaadka in si buuxda loo dammaanad-qaaday ammaankooda iyo sharaftooda inta ay ku guda-jiraan gudashada waajibaadkooda shaqo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin, 7, Sept 2026 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey maamulka iyo shaqaalaha Shirkadda Duulimaadka ee Salam Air dhacdadii gacan-qaadka iyo hab-dhaqankii aan habboonayn ee loo geystay mid ka mid ah shaqaalahooda. Wasiirka ayaa si cad u cambaareeyey fal kasta oo wax u dhimaya karaamada, sharafta, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14192,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14191","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14191","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14191"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14191\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14193,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14191\/revisions\/14193"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14192"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14191"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14191"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14191"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}