{"id":14203,"date":"2026-09-07T09:39:52","date_gmt":"2026-09-07T09:39:52","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14203"},"modified":"2026-09-07T09:39:52","modified_gmt":"2026-09-07T09:39:52","slug":"diyaarado-dagaal-oo-duqeyn-ka-fuliyay-duleedka-afmadow","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14203","title":{"rendered":"Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay duleedka Afmadow"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin, 7, Sept 2026 {CBB}<\/strong>Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow, gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in duqeynta ay ka dambeysay howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ka sameeyeen deegaanka.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><ins class=\"adsbygoogle\" data-ad-client=\"ca-pub-8756589205009556\" data-ad-slot=\"1002323234\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_10_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Intii uu socday howlgalka, waxaa la sheegay in lagu burburiyay koox miinooyin dhigayay oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ku howllanaa diyaarinta iyo dhigidda miinooyin iyo waxyaabaha qarxa oo lagu bartilmaameedsanayay waddooyinka ay isticmaalaan gaadiidka iyo shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Howlgalkan ayaa qeyb ka ah hawlgallada joogtada ah ee ciidamada Danab iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka wadaan deegaannada Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu wiiqayo awoodda maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo lagu xaqiijinayo amniga shacabka iyo isu-socodka bulshada.<\/p>\n<p>Ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay inay sii wadaan hawlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaannada gobolka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin, 7, Sept 2026 {CBB}Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow, gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in duqeynta ay ka dambeysay howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14204,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14203","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14203","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14203"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14203\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14205,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14203\/revisions\/14205"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14204"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14203"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14203"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14203"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}