{"id":14300,"date":"2026-09-10T09:15:59","date_gmt":"2026-09-10T09:15:59","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14300"},"modified":"2026-09-10T09:15:59","modified_gmt":"2026-09-10T09:15:59","slug":"dowladda-soomaaliya-oo-ka-hadashay-wada-hadallada-mucaaradka-iyo-xaaladda-siyaasadda-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14300","title":{"rendered":"Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Wada-hadallada Mucaaradka iyo Xaaladda Siyaasadda Dalka"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamis, 10, Sept 2026 {CBB}<\/strong>Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay halka uu marayo wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta Mucaaradka, iyadoo sheegtay in weli ay jiraan qodobo la isku fahmay iyo kuwo u baahan wada-xaajood dheeraad ah.<\/p>\n<p>Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim, oo wareysi siiyay TV-ga Al-Carabiya, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay wada-hadal dhab ah oo ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodka dastuurka iyo doorashooyinka soo socda.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><\/div>\n<p>Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya ay si joogto ah ugu baaqayeen dhinacyada siyaasadda inay khilaafaadkooda ku dhammeeyaan wada-hadal, is-afgarad iyo wada-xaajood.<\/p>\n<p>\u201cMarar kala duwan ayaa lala fariistay dhinacyada Mucaaradka, waxaana jiray qodobbo lagu heshiiyay iyo kuwo weli u baahan in laga gaaro is-afgarad,\u201d ayuu sheegay Wasiirka Warfaafinta.<\/p>\n<p>Cabdifataax Qaasim ayaa xusay in Dowladda ay diyaar u tahay in wada-xaajoodku sii socdo, balse ay si cad uga soo horjeeddo adeegsiga hubka, abuurista qalalaase iyo tallaabo kasta oo dhaawici karta nabadda iyo xasilloonida bulshada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, isagoo sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ay horumar ka sameeyeen howlgallada milatari, isla markaana ay xoreeyeen deegaanno ballaaran.<\/p>\n<p>Si kastaba, wuxuu sheegay in dagaalka lagula jiro argagixisadu uusan ku koobnayn oo keliya furimaha dagaalka, balse Dowladda ay waddo qorshe ballaaran oo ay qayb ka yihiin la-dagaallanka fikirka xagjirka ah, joojinta wararka been-abuurka iyo dacaayadaha, dhabar-jarka ilaha dhaqaale ee kooxaha argagixisada iyo horumarinta deegaannada laga xoreeyay.<\/p>\n<p>Dhinaca xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, Wasiirka ayaa sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir derisnimo, ayna Soomaaliya diyaar u tahay iskaashi ku dhisan ixtiraam iyo ilaalinta danaha labada dhinac.<\/p>\n<p>Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay soo dhoweynayso iskaashi dhaqaale iyo maalgashi sharci ah, balse heshiis kasta uu waafaqsan yahay madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo shuruucda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Regional news coverage\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<p>Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ayaa adkeeyay mowqifka Dowladda Federaalka ee ku aaddan gobollada waqooyi-galbeed ee dalka, isagoo sheegay in Soomaaliya ay tahay dal keliya oo midaysan, isla markaana aysan Dowladda aqbalayn tallaabo kasta oo lagu wiiqayo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay in aqoonsi kasta oo sharci-darro ah oo lagu beegsado qayb ka mid ah Soomaaliya uu xadgudub ku yahay madax-bannaanida qaranka, isla markaana uu saamayn ku yeelan karo amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale sheegtay inay ka go\u2019an tahay ilaalinta midnimada dalka, xoojinta dowladnimada, ciribtirka kooxaha argagixisada iyo in khilaafaadka siyaasadeed lagu dhammeeyo wada-hadal nabadeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamis, 10, Sept 2026 {CBB}Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay halka uu marayo wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta Mucaaradka, iyadoo sheegtay in weli ay jiraan qodobo la isku fahmay iyo kuwo u baahan wada-xaajood dheeraad ah. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim, oo wareysi siiyay TV-ga Al-Carabiya, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14301,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14300","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14300","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14300"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14300\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14302,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14300\/revisions\/14302"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14301"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14300"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14300"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14300"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}