{"id":14319,"date":"2026-09-11T09:26:42","date_gmt":"2026-09-11T09:26:42","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14319"},"modified":"2026-09-12T09:27:53","modified_gmt":"2026-09-12T09:27:53","slug":"madaxweyne-xasan-shiikh-oo-muqdisho-kula-kulmay-xoghayaha-guud-ee-raabidada-caalamka-islaamka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14319","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Shiikh oo muqdisho kula Kulmay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka."},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco 10, Sab 2026 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka, ahna Gudomiyaha hay\u2019adda Culimada Muslimiinta, Dr. Mohammed bin Abdulkarim Al-Issa.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Raabidada Caalamka Islaamka, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka, ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah iyo xoojinta nabadda, wadajirka iyo wada noolaanshaha bulshada.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Raabidada Caalamka Islaamka mawaaqifteeda taageridda, Midnimida iyo Madaxbnaanida Soomaliya iyo doorka ay ka qaadato horumarinta bulshada , isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi xooggan oo lagaga hortagayo fikradaha xagjirka ah iyo marin-habaabinta dhalinyarada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco 10, Sab 2026 {CBB}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka, ahna Gudomiyaha hay\u2019adda Culimada Muslimiinta, Dr. Mohammed bin Abdulkarim Al-Issa. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Raabidada Caalamka Islaamka, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo fahamka saxda ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14320,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14319","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14319","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14319"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14319\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14322,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14319\/revisions\/14322"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14320"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14319"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14319"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14319"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}