{"id":14366,"date":"2026-09-13T12:21:50","date_gmt":"2026-09-13T12:21:50","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14366"},"modified":"2026-09-13T12:21:50","modified_gmt":"2026-09-13T12:21:50","slug":"ruushka-oo-lagu-eedeeyay-dagaalka-in-ukraine-uu-u-adeegsado-ajaanib-soomaali-ay-ku-jirto","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14366","title":{"rendered":"Ruushka oo lagu eedeeyay dagaalka in Ukraine uu u adeegsado Ajaanib Soomaali ay ku jirto"},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 13, Sab 2026 {CBB}\u2013<\/strong>Warbixin kasoo baxday Hay\u2019adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International waxaa lagu sheegay in mas\u2019uuliyiin katirsan hay\u2019addaas ay tageen xeryaha lagu hayo Maxaabiis Ajaanib ah oo Ukraine ay ku qabatay dagaalka ay kala soo horjeeddo Ruushka.<\/p>\n<p>Dadkaas ay la kulantay oo kala dhalasho duwan waxa ay Hay\u2019addu sheegtay in si qasab ah loo dagaal galiyay iyada oo markii hore loo sameeyay ballanqaadyo waa haddii ay ka guullaystaan ciidanka kasoo horjeeda ee Ukraine sida warbixinta lagu xusay.<\/p>\n<p>Dalalka ay kasoo kala jeedaan dadkaas waxaa kamid ah: Soomaaliya, Brazil, Colombia, Cuba, Masar, Sierra Leone, Sri Lanka, Koofur Afrika, Kenya iyo Dalal kale kuwaas oo maxaabiis laga qabtay ruushka lagu ogaaday dhalashadooda.<\/p>\n<p>Khubarro ka socda Amnesty oo la kulmay Dadkaas ajaanibta ah ee Soomaalida ay ku jiraan ayaa ka gaabsaday in ay baahiyaan magacyada, xogtooda rasmiga ah iyo sawirradooda balse waxa ay u adeegsadeen magacyo ay iyaga ula baxaan kuna muujiyeen warbixintooda.<\/p>\n<p>Xoghayaha guud ee Amnesty International, Agn\u00e8s Callamard ayaa sheegtay in Maxaabiista qaar ay la kulantay ay u sheegeen in Ruushka lagu geeyay kaddib markii loo bandhigayo fursado shaqo oo Online ah oo markii ay aqbaleen la geeyay Dalkaas.<\/p>\n<p>Ukraine ayaa billowgii dagaalkii uu ku qaaday Ruushka ee 2024 waxa ay sheegtay inay gacanta ku dhigtay Nin Soomaali ah oo ka dhinac dagaalamay Ciidanka Russia, warbixinta ka soo baxday Amnesty lagu xusin in qofka ay waraysteen uu isla kaasi yahay iyo in uu mid kale yahay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 13, Sab 2026 {CBB}\u2013Warbixin kasoo baxday Hay\u2019adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International waxaa lagu sheegay in mas\u2019uuliyiin katirsan hay\u2019addaas ay tageen xeryaha lagu hayo Maxaabiis Ajaanib ah oo Ukraine ay ku qabatay dagaalka ay kala soo horjeeddo Ruushka. Dadkaas ay la kulantay oo kala dhalasho duwan waxa ay Hay\u2019addu sheegtay in si qasab ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14367,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-14366","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14366","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14366"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14366\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14368,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14366\/revisions\/14368"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14367"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14366"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14366"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14366"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}