{"id":14400,"date":"2026-09-14T09:45:38","date_gmt":"2026-09-14T09:45:38","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14400"},"modified":"2026-09-14T09:45:38","modified_gmt":"2026-09-14T09:45:38","slug":"safiirkii-turkiga-alper-oo-fariin-macsalaameyn-ah-u-diray-shacabka-soomaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14400","title":{"rendered":"Safiirkii Turkiga Alper oo fariin macsalaameyn ah u diray Shacabka Soomaaliyeed."},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 14, Sab 2026 {CBB}\u2013<\/strong>Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Akta\u015f, oo dhowaan xilka safiirnimo ee Muqdisho laga beddelay, ayaa fariin macsalaamayn ah u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay nabad, barwaaqo iyo horumar.<\/p>\n<p>Alper Akta\u015f ayaa sheegay inuu xilka Safiirka Turkiga ee Soomaaliya hayay tan iyo bishii Maarso 2024, muddadaasna uu si dhow uga shaqeeyay xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha bani\u2019aadantinimada, siyaasadda iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><ins class=\"adsbygoogle\" data-ad-client=\"ca-pub-8756589205009556\" data-ad-slot=\"1002323234\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_10_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Safiirka ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta iyo garab istaagga ay u muujiyeen muddadii uu dalka ka shaqeynayay, isagoo sheegay in waxyaabihii uu Soomaaliya ku arkay iyo waayo-aragnimadii uu ka helay aysan ka go\u2019i doonin xusuustiisa.<\/p>\n<p>Wuxuu sidoo kale sheegay in muddadii uu xilka hayay ay Soomaaliya iyo Turkiga ka wada shaqeeyeen arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin gargaarka bani\u2019aadantinimo, siyaasadda, amniga iyo mashaariicda horumarineed.<\/p>\n<p>Mid kamid ah arrimaha waaweyn ee xilligii uu safiirka ahaa socday ayaa ahaa iskaashiga dhinaca shidaalka, iyadoo baarista iyo howlaha la xiriira shidaalka Soomaaliya ay gaareen heerar muhiim ah.<\/p>\n<p>Alper Akta\u015f ayaa xusay in Dowladda Turkiga ay garab istaag buuxa u muujisay Soomaaliya, isaga oo ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu fududeeyeen gudashada waajibaadkii shaqo ee dowladda Turkiga u igmatay.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Safiirka ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray salaan macsalaamayn ah, isagoo u rajeeyay in Soomaaliya ay gaarto nabad, barwaaqo, horumar iyo mustaqbal wanaagsan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 14, Sab 2026 {CBB}\u2013Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Akta\u015f, oo dhowaan xilka safiirnimo ee Muqdisho laga beddelay, ayaa fariin macsalaamayn ah u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay nabad, barwaaqo iyo horumar. Alper Akta\u015f ayaa sheegay inuu xilka Safiirka Turkiga ee Soomaaliya hayay tan iyo bishii Maarso 2024, muddadaasna uu si dhow [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14401,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14400","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14400","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14400"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14400\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14403,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14400\/revisions\/14403"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14401"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14400"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14400"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14400"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}