{"id":1444,"date":"2024-11-26T09:28:59","date_gmt":"2024-11-26T09:28:59","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1444"},"modified":"2024-11-26T09:28:59","modified_gmt":"2024-11-26T09:28:59","slug":"xfs-oo-sharci-darro-ku-tilmaamtay-doorashadii-lagu-doortay-axmed-madoobe-xulista-golaha-wakiillada-dg-jubbaland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1444","title":{"rendered":"XFS oo sharci darro ku tilmaamtay Doorashadii lagu doortay Axmed Madoobe &#038; Xulista Golaha Wakiillada DG Jubbaland"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado\u00a0 26, Nov 2024 {CBB}<\/strong>Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel fog ka istaagay doorashadii Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo xulistii Baarlamaanka doortay ee doorashadoodu ka dhacday Magaalada Kismaayo Xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.<\/p>\n<p>Doorashadaas ayuu Golaha Wasiirradu sheegay in aanay waafaqsanayn xeerka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha, kan Xisbiyada &amp; wax ka baddelka cutubyada Dastuurka Dalka.<\/p>\n<p>Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale oo Warbaahinta u aqriyay warka kasoo baxay Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in xulista Golaha Wakiillada iyo Doorashadii shalay ka dhacday Kismaayo ay yihiin kuwo sharci darro ah.<\/p>\n<p>Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u diiday doorashooyinkii ka dhacay Magaalada Kismaayo, sababta waxa ay ku sheegtay in Axmed Madoobe uu saxiixay in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah.<\/p>\n<p>Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo shalay qabsaday Doorasho uu ku helay 55 Cod sidaasina uu ku guuleystay in uu Dowlad-Goboleedkaas hoggaamiyo shanta sano soo socota sida uu sheegay guddigii qabtay Doorashadaas.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado\u00a0 26, Nov 2024 {CBB}Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel fog ka istaagay doorashadii Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo xulistii Baarlamaanka doortay ee doorashadoodu ka dhacday Magaalada Kismaayo Xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland. Doorashadaas ayuu Golaha Wasiirradu sheegay in aanay waafaqsanayn xeerka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha, kan Xisbiyada &amp; wax ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":1445,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1444","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1444","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1444"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1444\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1446,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1444\/revisions\/1446"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1445"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1444"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1444"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1444"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}