{"id":14474,"date":"2026-09-15T11:14:18","date_gmt":"2026-09-15T11:14:18","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14474"},"modified":"2026-09-15T11:14:18","modified_gmt":"2026-09-15T11:14:18","slug":"maxkamadda-cqs-oo-la-horgeeyay-rag-ku-eedeysay-in-ay-dhac-safmar-ah-ay-ka-gaysteen-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14474","title":{"rendered":"Maxkamadda CQS oo la horgeeyay Rag ku eedeysay in ay dhac safmar ah ay ka gaysteen Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 15, Sab 2026 {CBB}\u2013<\/strong>Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dhagaysatay eedaha loo haysto Rag ku eedeysan in ay dhac ka gaysteen Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir gaar ahaan Dharkaynley, Garasbaaley, Dayniile, Daarusalaam, Xamar jajab, Deegaanka Gubta iyo degmooyin kale.<\/p>\n<p>Raggaan oo ka koobnaa 13 qof ayaa maalmo kala duwan dhac u gaystay dad u badan Dhallinyaro Arday ah kuwaas oo ay ka kala qaateen Teleefanno, Saacado, Dhegaha teleefannada loogu talagalay iyo lacag Doollar ah.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"filled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Kooxdaan ayaa intii ay ku howlanayd dhaca Dadka rayidka ah waxa ay baaratay dad gaaraya 33 qof oo isugu jiray Rag iyo Dumar kuwaas oo intooda badan ah Arday wax ka dhigata Dugsiyada iyo Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Maxkamadda waxaa laga hor caddeeyay in mid kamid ah Ragga dhaca gaystay uu ku dhintay howlgalkii lagu soo qabtay kaddib markii ay israasaseeyeen ciidamada ammaanka ee soo gacanta kusoo dhigay sida hadalka loo dhigay.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxa ay dhaawac u gaysteen mid kamid ah Dadkii ay dhacayeen waxaana dood kulal kiiskooda ka yeeshay Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Qareennada Difaacaya Raggaas halka isla fadhiga lagu dhagaystay dadkii sheegay in la dhacay.<\/p>\n<p>Waxa ay adeegsadeen hub isugu jira Bastoolado iyo AK47, iyaga oo inta badan howsha dhaca ah ku gaystay Mooto nooca labada lug leh ee Fekon sida laga hor caddeeyay fadhiga Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay ka yeelatay kiiskaan.<\/p>\n<p>Qaar kamid ah Dadkii la dhacay ayay Maxkamaddu dib ugu celisay teleefannadii lagu qabtay Kooxda lasoo qabtay, waxaana la sugayaa go\u2019aanka maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay kasoo saari doonto dhagaysiga dacwaddaan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 15, Sab 2026 {CBB}\u2013Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dhagaysatay eedaha loo haysto Rag ku eedeysan in ay dhac ka gaysteen Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir gaar ahaan Dharkaynley, Garasbaaley, Dayniile, Daarusalaam, Xamar jajab, Deegaanka Gubta iyo degmooyin kale. Raggaan oo ka koobnaa 13 qof ayaa maalmo kala duwan dhac u gaystay dad u badan Dhallinyaro [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14475,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14474","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14474","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14474"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14474\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14476,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14474\/revisions\/14476"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14475"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14474"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14474"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14474"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}