{"id":1451,"date":"2024-11-26T10:04:16","date_gmt":"2024-11-26T10:04:16","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1451"},"modified":"2024-11-26T10:04:16","modified_gmt":"2024-11-26T10:04:16","slug":"duqa-muqdisho-oo-ganaax-culus-dulsaaray-gabdhaha-raaca-mootada-loo-yaqaan-fekon","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1451","title":{"rendered":"Duqa Muqdisho oo ganaax culus dulsaaray Gabdhaha raaca Mootada loo yaqaan Fekon"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado\u00a0 26, Nov 2024 {CBB}<\/strong>Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo ka hadlay dibadbax ka dhacay Caasimadda ayaa mamnuucay in Gabdhahu raacaan Mootooyinka labada lug leh ee loo yaqaan Fekon oo muddooyinkii dambe lagu arkayay qaybo kamid ah Gobolkaan.<\/p>\n<p>Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in la xiri doonno Gabadhii lagu arka iyada oo raaceysa Mooto Fekon halka lala wareegi doonno Mootadaas sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cWaxa aan maanta mamnuuceynaa Gabadh mooto fekon ama Vespo gadaal ka raaceysa, gabadhii lagu arko waa xarrig, mootadana waa lala wareegayaa, Askarta waa ay u xilsaaran yihiin in ay arrintaas kahortagaan\u201d<\/em><\/strong>\u00a0Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Dhinaca kale waxa uu amar ku bixiyay in la joojiyo Dhallinyarada isugu soo baxda Degmooyinka Gobolka Banaadir ee sheegaya in ay suugaan iyo qoob ka ciyaar ku muujinayaan Amniga Magaalada Muqdisho, waxa uu si gaar ah ugu digay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cWaxa aan la dagaalameynaa kuwa dhahaya amniga Muqdisho ayaa muujineynaa ee Jidka xaaraan iyo fisqiga keenaya, iyagana waa mamnuuc, Degmadii lagu qabto muusig &amp; wax xaaraan ah waan la dagaalameynaa, waxaa loo baahan yahay in alle laga cabsado oo laga fogaado wixii dalkeenna burbur u keenaya ama cadaw uga faa\u2019iideysanaya in aan laga shaqayn\u201d<\/em><\/strong>\u00a0Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado\u00a0 26, Nov 2024 {CBB}Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo ka hadlay dibadbax ka dhacay Caasimadda ayaa mamnuucay in Gabdhahu raacaan Mootooyinka labada lug leh ee loo yaqaan Fekon oo muddooyinkii dambe lagu arkayay qaybo kamid ah Gobolkaan. Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in la xiri doonno Gabadhii lagu arka iyada oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":1452,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1451","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1451","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1451"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1451\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1453,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1451\/revisions\/1453"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1452"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1451"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1451"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1451"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}