{"id":14531,"date":"2026-09-17T12:36:58","date_gmt":"2026-09-17T12:36:58","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14531"},"modified":"2026-09-17T12:36:58","modified_gmt":"2026-09-17T12:36:58","slug":"guddoomiyaha-golaha-shacabka-oo-shir-guddoomiyay-kulanka-7-aad-ee-guddiga-joogtada-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14531","title":{"rendered":"Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir-guddoomiyay kulanka 7-aad ee Guddiga Joogtada ah"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamis 17, Sab 2026 {CBB}\u2013<\/strong>Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir-guddoomiyay kulanka 7-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaas oo lagu qabtay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.<\/p>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah ku bogaadiyay dadaallada ay ku bixinayaan gudashada waajibaadkooda shaqo iyo dardargelinta howlaha sharci-dejinta ee horyaalla Golaha.<\/p>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Kulanka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixin uu soo jeediyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), taas oo ku saabsanayd hindise-sharciyeedyada horyaalla guddiyada kala duwan ee Golaha.<\/p>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Warbixinta ayaa lagu eegay marxaladaha ay marayaan hindise-sharciyeedyadu, waqtiga loo qorsheeyay in lagu horgeeyo fadhiyada guud ee Golaha Shacabka, iyo caqabadaha jira ee u baahan in xal loo helo si loo dardargeliyo hannaanka sharci-dejinta.<\/p>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa kulanka ku sameeyay ajandeyn iyo jadwaleyn ku saabsan kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda, iyagoo dejiyay qorsheyaal lagu dardargelinayo howlaha shaqo ee horyaalla Golaha.<\/p>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sidoo kale, Guddigu wuxuu ansixiyay hadal-qoraalka kulankii 6-aad ee Guddiga Joogtada ah, kaddib markii dib-u-eegis lagu sameeyay qodobadii iyo go\u2019aamadii kulankaasi.<\/p>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaallada ku aaddan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.<\/p>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ku boorriyay guddiyada inay dardargeliyaan howlaha sharci-dejinta, isla markaana ay xaqiijiyaan in shaqada Golaha Shacabka ay u socoto si hufan, nidaamsan oo waafaqsan qorshayaasha shaqo.<\/p>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Kulanka ayaa qeyb ka ah kulamada joogtada ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu qorsheeyo, isku-duwo laguna dardargeliyo howlaha sharci-dejinta iyo ajandayaasha Golaha Shacabka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamis 17, Sab 2026 {CBB}\u2013Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir-guddoomiyay kulanka 7-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaas oo lagu qabtay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah ku bogaadiyay dadaallada ay ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14532,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14531","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14531","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14531"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14531\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14534,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14531\/revisions\/14534"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14532"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14531"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14531"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14531"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}