{"id":14535,"date":"2026-09-17T12:41:02","date_gmt":"2026-09-17T12:41:02","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14535"},"modified":"2026-09-17T12:41:02","modified_gmt":"2026-09-17T12:41:02","slug":"raiisul-wasaare-xamsa-oo-faray-in-shaqaalaysiinta-dowladda-lagu-saleeyo-karti-iyo-mudnaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14535","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa oo faray in shaqaalaysiinta dowladda lagu saleeyo karti iyo mudnaan"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamis 17, Sab 2026 {CBB}\u2013<\/strong>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray dhammaan Wasiirrada iyo mas\u2019uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda oo aan dib-u-dhac lahayn loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista shaqaalaha dowladda ee ku saleysan kartida iyo mudnaanta.<\/p>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa amarkan soo saaray isaga oo ku saleynaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Qodobka 161-aad, farqaddiisa 1-aad, iyo Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah, Qodobka 7-aad, iyo sidoo kale xeerarka, shuruucda iyo qaraarrada kale ee khuseeya shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa ayaa mas\u2019uuliyiinta dowladda faray in habraacyada shaqaalaysiinta iyo magacaabista lagu saleeyo aqoon, karti, khibrad iyo mudnaan, iyadoo la dhowrayo shuruucda iyo nidaamyada dalka u yaalla.<\/p>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Amarkan ayaa sidoo kale ku wajahan sidii loo xoojin lahaa nidaamka shaqaalaha rayidka ah, loona hubin lahaa in fursadaha shaqo ee dowladda lagu bixiyo hannaan hufan, caddaalad ah oo la jaanqaadaya shuruucda dalka.<\/p>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa dhammaan Wasiirrada iyo mas\u2019uuliyiinta hay\u2019adaha dowladda ku adkeeyay in amarkan si buuxda loo dhaqan-geliyo, iyadoo aan dib-u-dhac lagu sameyn.<\/p>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu horumariyo hannaanka maamulka iyo shaqaalaha dowladda, iyadoo xoogga la saarayo in hay\u2019adaha dowladda ay helaan shaqaale ku habboon xilalka loo igmaday, kana shaqeeya tayeynta adeegyada ay dowladda u fidiso shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Amarka Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xoojinaya mabda\u2019a ah in shaqaalaysiinta iyo magacaabista xilalka dowladda ay noqdaan kuwo ku saleysan karti iyo mudnaan, isla markaana waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamis 17, Sab 2026 {CBB}\u2013Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray dhammaan Wasiirrada iyo mas\u2019uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda oo aan dib-u-dhac lahayn loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista shaqaalaha dowladda ee ku saleysan kartida iyo mudnaanta. Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa amarkan soo saaray isaga oo ku saleynaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14536,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14535","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14535","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14535"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14535\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14537,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14535\/revisions\/14537"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14536"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14535"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14535"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14535"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}