{"id":14631,"date":"2026-09-22T13:42:46","date_gmt":"2026-09-22T13:42:46","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14631"},"modified":"2026-09-22T13:42:46","modified_gmt":"2026-09-22T13:42:46","slug":"wafdi-ka-socday-safaaradda-uk-ee-soomaaliya-oo-booqday-isbitaalka-xoogga-dalka-soomaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14631","title":{"rendered":"Wafdi ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya oo Booqday Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed."},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 22, Sab 2026 {CBB}\u2013<\/strong>Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey wafdi ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayey U-qeybsanaha Arrimaha Ciidamada, Kornayl Ben Ramsay.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo horumarinta adeegyada caafimaad ee Isbitaalka Xoogga Dalka, gaar ahaan daryeelka caafimaad ee ciidamada iyo qoysaskooda.<\/p>\n<p>Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay horumarinta nidaamka Medical Evacuation (MEDEVAC), si loo helo adeeg gurmad iyo daad-gureyn caafimaad oo joogto ah, habeysan, degdeg ah, isla markaana si hufan uga jawaaba xaaladaha caafimaad ee ciidamada.<\/p>\n<p>Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyey xoojinta tababarrada shaqaalaha caafimaadka, tayeynta qalabka caafimaad iyo isku-xirka adeegyada caafimaadka, iyadoo la isla qaatay in la sii wado wada-shaqeynta lagu horumarinayo tayada adeegyada caafimaad ee Isbitaalka Xoogga Dalka<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 22, Sab 2026 {CBB}\u2013Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey wafdi ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayey U-qeybsanaha Arrimaha Ciidamada, Kornayl Ben Ramsay. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo horumarinta adeegyada caafimaad ee Isbitaalka Xoogga Dalka, gaar ahaan daryeelka caafimaad ee ciidamada iyo qoysaskooda. Labada dhinac ayaa si [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14632,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14631","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14631","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14631"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14631\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14633,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14631\/revisions\/14633"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14632"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14631"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14631"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14631"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}