{"id":14648,"date":"2026-09-23T10:34:52","date_gmt":"2026-09-23T10:34:52","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14648"},"modified":"2026-09-23T10:34:52","modified_gmt":"2026-09-23T10:34:52","slug":"tplf-oo-gacanta-ku-dhigtay-garoonka-diyaaradaha-ee-mekelle","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14648","title":{"rendered":"TPLF oo gacanta ku dhigtay Garoonka Diyaaradaha ee Mekelle"},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco 23, Sab 2026 {CBB}\u2013<\/strong>Jabhadda Xorraynta Tigray ee loosoo gaabiyo TPLF ayaa gacanta ku dhigtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mekelle ee Caasimadda Ismaamulka Tigray kaddib markii ciidanka Federaalka ay halkaas isaga baxeen.<\/p>\n<p>Xoogagga TPLF ayaa diiradda saaray Garoonkaan oo horay uga qabsadeen Ciidanka Federaalka oo dagaallo culus kala hortagaan balse awoodi waayay in ay gacantooda kusii jiro waana marin muhiim u ahaa dhaqdhaqaaqa ka socda Waqooyiga Itoobiya.<\/p>\n<p>Ilo Amni ayaa Wakaaladda Wararka AFP u sheegay in Kooxda TPLF ay dib usoo cusboonaysiisay weerarrada ka dhanka ah Ciidanka Federaalka iyada oo arrintaan kusoo beegmaysa xili Ururro ay kamid tahay ay ku dhawaaqeen isbahaysi ka dhan ah Xukunka Abiy Ahmed.<\/p>\n<p>Ciidanka Federaalka ayaa Magaalada Mekelle gacanta ku dhigay 28kii November sannadkii 2020 waana xiligii uu dardarta ku socday dagaalka dhexmaray ciidamada Dowladda Dhexe ee Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Tigray.<\/p>\n<p>Guushaan waxa ay TPLF uga dhigan tahay iyada oo todobaadkaan ku biirtay isbahaysi ay xubno ka yihiin Ururro kala duwan sida ONLF kuwaas oo ku ballamay in ay xukunka ka tuuraan Abiy Ahmed isla markaana ay dhisaan Dowlad kumeel-gaar ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco 23, Sab 2026 {CBB}\u2013Jabhadda Xorraynta Tigray ee loosoo gaabiyo TPLF ayaa gacanta ku dhigtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mekelle ee Caasimadda Ismaamulka Tigray kaddib markii ciidanka Federaalka ay halkaas isaga baxeen. Xoogagga TPLF ayaa diiradda saaray Garoonkaan oo horay uga qabsadeen Ciidanka Federaalka oo dagaallo culus kala hortagaan balse awoodi waayay in ay gacantooda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14649,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14648","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14648","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14648"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14648\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14650,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14648\/revisions\/14650"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14649"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14648"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14648"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14648"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}