{"id":14734,"date":"2026-09-25T11:36:09","date_gmt":"2026-09-25T11:36:09","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14734"},"modified":"2026-09-26T11:37:07","modified_gmt":"2026-09-26T11:37:07","slug":"dhaleeceyn-xoogan-ayaa-ka-dhalatay-kadib-markii-masuuliyiin-reer-iiraan-ah-ay-ka-qeyb-galeen-ee-xafladda-maalinta-qaranka-sacuudiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14734","title":{"rendered":"Dhaleeceyn Xoogan ayaa ka dhalatay Kadib Markii mas\u2019uuliyiin reer Iiraan ah ay ka qeyb galeen ee xafladda Maalinta Qaranka Sacuudiga."},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco, 25, Sep 2026, {CBB}<\/strong>Ka qaybgalka qaar ka mid ah mas\u2019uuliyiinta Iiraan ee xafladda Maalinta Qaranka Sacuudiga ee lagu qabtay Tehran ayaa dhaliyay falcelin.<\/p>\n<p>Xafladda oo ka dhacday safaaradda Sacuudiga ee Tehran waxaa ka qaybgalay mas\u2019uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan dowladda Iiraan, oo ay ka mid yihiin Mohammad Jafar Ghaempanah, oo ah madaxweyne ku xigeenka fulinta, iyo Cali Akbar Salehi, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Iiraan.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada ku taageera dowladda Iiraan ayaa dhaleeceeyay ka qaybgalka xafladda, iyagoo ku tilmaamay \u201cin keeg lala cuno kuwa dilaya shacabka Yemen.\u201d<\/p>\n<p>Dhaleeceyntaas waxaa sidoo kale ku celiyay daadihiyeyaasha barnaamijka \u201cIran Time\u201d ee ka baxa shabakadda wararka ee Telefishinka Qaranka Iiraan.<\/p>\n<p>Hase yeeshee, Mohammad Jafar Ghaempanah ayaa isagoo ka jawaabaya dhaleeceynta, barnaamijkaas taleefan ugu sheegay shabakadda Khabar in ka qaybgalka xafladdu uu dhacay kaddib markii arrinta ay ogeysiiyeen mas\u2019uuliyiinta ay khusayso ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay in ujeeddadu ahayd \u201cin Sacuudiga loo dhowaado iyadoo la eegayo xaaladda hadda jirta.\u201d<\/p>\n<p>Ghaempanah ayaa sidoo kale sheegay in intii uu kulanku socday uu ka dhiidhiyay adeegsiga saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla dhulka Sacuudiga si loogu weeraro Iiraan.<\/p>\n<p>Wuxuu intaas ku daray inuu kulanka ku gudbiyay mowqifka rasmiga ah ee dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ee arrintaas.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco, 25, Sep 2026, {CBB}Ka qaybgalka qaar ka mid ah mas\u2019uuliyiinta Iiraan ee xafladda Maalinta Qaranka Sacuudiga ee lagu qabtay Tehran ayaa dhaliyay falcelin. Xafladda oo ka dhacday safaaradda Sacuudiga ee Tehran waxaa ka qaybgalay mas\u2019uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan dowladda Iiraan, oo ay ka mid yihiin Mohammad Jafar Ghaempanah, oo ah madaxweyne ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14735,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-14734","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14734","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14734"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14734\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14736,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14734\/revisions\/14736"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14735"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14734"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14734"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14734"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}