{"id":14740,"date":"2026-09-26T11:57:00","date_gmt":"2026-09-26T11:57:00","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14740"},"modified":"2026-09-26T11:57:00","modified_gmt":"2026-09-26T11:57:00","slug":"warbaahinta-cnn-oo-laga-reebay-in-ay-diyaarad-la-raacdo-donald-trump","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14740","title":{"rendered":"Warbaahinta CNN oo laga reebay in ay diyaarad la raacdo Donald Trump"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabtii, 26, Sep 2026, {CBB}<\/strong>Waxaa sii xooggaystay tallaabooyinka uu Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu culayska ku saarayo Warbaahinta siyaasad ahaan kasoo horjeeda ee CNN iyada oo Aqalka Cad uu si rasmi ah u sheegay in Warbaahintaas laga reebay Safar uu maanta ku baxayo Trump.<\/p>\n<p>Donald Trump oo ka qaybgalay Kalfadhiga 81aad ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka ambabaxaya Magaalada Washington D.C. isaga oo kusii jeeda Knoxville ee Gobolka Tennessee halkaas oo uu uga qaybgalayo ciyaar lagu qabanayo.<\/p>\n<p>Dagaalka Siyaasadeed ee Donald Trump iyo Warbaahinta ugu afka dheer ee Maraykanka sida CNN, MS NOW iyo Politico ayaa cirka galay iyada oo Aqalka Cad uu qaaday tallaabooyin lagu hor istaagayo wadashaqayntii kala dhaxaysay Warbaahintaas.<\/p>\n<p>Inta badan waxa ay Warbaahintaan soo gudbisaa wararka cagsiga ku ah howlaha shaqo ee Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ee aan qaranka taabanayn iyaga oo Bulshada usoo bandhiga khaladaadka siyaasadeed ee maamulkaas ka dhaca.<\/p>\n<p>Dhowr jeer waxa uu Trump oo shir jaraa\u2019id u qabtay Warbaahinta oo su\u2019aallo kulul la weydiiyay uu aflagaadeeyay Warbaahintaas isaga oo ku tilmaamay kuwo fashilmay oo aan laga doonayn Aqalka ugu muhiimsan ee Dalkaas.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabtii, 26, Sep 2026, {CBB}Waxaa sii xooggaystay tallaabooyinka uu Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu culayska ku saarayo Warbaahinta siyaasad ahaan kasoo horjeeda ee CNN iyada oo Aqalka Cad uu si rasmi ah u sheegay in Warbaahintaas laga reebay Safar uu maanta ku baxayo Trump. Donald Trump oo ka qaybgalay Kalfadhiga 81aad ee Qaramada Midoobay ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14741,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14740","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14740","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14740"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14740\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14742,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14740\/revisions\/14742"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14741"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14740"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14740"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14740"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}