{"id":14755,"date":"2026-09-26T12:06:56","date_gmt":"2026-09-26T12:06:56","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14755"},"modified":"2026-09-26T12:06:56","modified_gmt":"2026-09-26T12:06:56","slug":"guddiga-shaqaalaha-rayidka-oo-fuliyay-qaraarkii-kasoo-baxay-baarlamaanka-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14755","title":{"rendered":"Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo fuliyay qaraarkii kasoo baxay Baarlamaanka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabtii, 26, Sep 2026, {CBB}<\/strong>Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee dowladda oo fuliyay qaraarkii kasoo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa joojiyay boosaskii la xayaysiiyay ee Agaasimeyaasha Waaxda maamulka Shaqaalaha ee Wasaaradaha iyo Hay\u2019adaha Dowladda.<\/p>\n<p>Warqad kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in la joojiyay raadinta Boosaskaas kaddib markii Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu codayn ku diiday tallaabadaan uu qaaday Guddiga oo hor imaanaysa Dastuurka Dalka.<\/p>\n<p>Guddiga ayaa intaas ku daray in uu Warbixin joogta ah siin doonno Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka gaar ahaan arrimaha la xiriira fulinta qaraarka iyo tallaabooyinka waxqabadkiisa sida lagu caddeeyay Xaanshida uu soosaaray Guddigaas.<\/p>\n<p>Golaha Shacabka ayaa 23kii Bishaan waxa uu codaynta Xildhibaannada ku laalay qaraarka ku saabsanaa in Guddiga Shaqaalaha Rayidka uu xayaysiis u samayseeyay raadinta Boosaska boosaska Agaasimayaasha iyo maamulka ee Wasaaradaha iyo Hay\u2019addaha Dowladda.<\/p>\n<p>Dhankiisa Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ayaa uga digay Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda in ay qaadaan tillaabo ka hor imaaneysa Madaxbannaanida, Awoodaha iyo Nidaamka Sharciyeed ee Xafiiskaas, waxaana uu soo jeediyay in shaqada Xafiiska lagu saleeyo Dastuurka JFS iyo Shuruucda kale ee lagu dhisay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabtii, 26, Sep 2026, {CBB}Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee dowladda oo fuliyay qaraarkii kasoo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa joojiyay boosaskii la xayaysiiyay ee Agaasimeyaasha Waaxda maamulka Shaqaalaha ee Wasaaradaha iyo Hay\u2019adaha Dowladda. Warqad kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in la joojiyay raadinta Boosaskaas kaddib markii Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu codayn ku diiday [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14756,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14755","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14755","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14755"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14755\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14757,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14755\/revisions\/14757"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14756"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14755"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14755"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14755"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}