{"id":14781,"date":"2026-09-26T13:19:36","date_gmt":"2026-09-26T13:19:36","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14781"},"modified":"2026-09-26T13:19:36","modified_gmt":"2026-09-26T13:19:36","slug":"golaha-shacabka-oo-ansixiyay-hindise-sharciyeedka-iskaashiga-garsoorka-caalamiga-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14781","title":{"rendered":"Golaha Shacabka oo Ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabtii, 26, Sep 2026, {CBB}<\/strong><strong>Muqdisho:<\/strong> Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulanka 19-aad ee Kalfadhiga 8-aad, kaas oo uu shir guddoomiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Kulanka ayaa ugu horreyn Xildhibaanadu cod ugu qaadeen Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, iyadoo 130 Xildhibaan ay oggolaadeen, sagaal ay diideen, halka laba Xildhibaan ay ka aamuseen, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Sidoo kale, Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Labaad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharciga Lr. 130 ee soo baxay 22-kii Abriil 2012.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay qodobada Hindise-Sharciyeedka, iyagoo su\u2019aalo iyo aragtiyo ka weydiiyey mas\u2019uuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo mas\u2019uuliyiinta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo kulanka goob-joog ka ahaa.<\/p>\n<p class=\"isSelectedEnd\">Ugu dambeyn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey Warbixinta Akhrinta Labaad ee heshiisyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca garsoorka.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa qeyb ka ahaa howlaha sharci-dejinta ee Golaha Shacabka, iyadoo ajandayaasha laga dooday ay la xiriireen iskaashiga garsoorka iyo wax-ka-beddelka sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabtii, 26, Sep 2026, {CBB}Muqdisho: Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulanka 19-aad ee Kalfadhiga 8-aad, kaas oo uu shir guddoomiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Kulanka ayaa ugu horreyn Xildhibaanadu cod ugu qaadeen Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, iyadoo 130 Xildhibaan ay oggolaadeen, sagaal ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14782,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14781","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14781","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14781"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14781\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14784,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14781\/revisions\/14784"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14782"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14781"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14781"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14781"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}