{"id":14841,"date":"2026-09-29T10:53:35","date_gmt":"2026-09-29T10:53:35","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14841"},"modified":"2026-09-29T10:53:35","modified_gmt":"2026-09-29T10:53:35","slug":"booliiska-gobolka-banaadir-oo-sheegay-in-uu-baarayo-dhacdo-ka-dhacday-mid-kamid-ah-isbitaallada-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14841","title":{"rendered":"Booliiska Gobolka Banaadir oo sheegay in uu baarayo dhacdo ka dhacday mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 29 Sep 2026 {CBB}<\/strong>War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in baaris lagu wado dhacdo ka dhacday mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho oo muuqaallo laga soo duubay lagu arkay Ciidamo Booliis ah oo hub la dhex galay Isbitaalkaas.<\/p>\n<p>Muuqaallada waxaa ka dhex muuqday Dad kala cararaya kuwaas oo isugu jiray Bukaanno, Dad la joogay iyo Shaqalaaha Isbitaalka, waxaana intaas dheer dad ay si qasab ah usoo wadeen Ciidamada Booliiska ah sida muuqaalladaas laga dhex arki karo.<\/p>\n<p>Goobaha Caafimaadka oo kamid ah meelaha ka reeban in hub lala galo ayuu Booliiska Gobolka Banaadir ku sheegay in sababta keentay arrintaas ay tahay amar diido uu sameeyay Maamulka Isbitaalkaas sida hadalka loo dhigay.<\/p>\n<p>Booliiska oo faahfaahiyay sababta keentay Diidmada waxa uu ku sheegay in Hooyo lagu qallay wiil kana soo jeedda qoys danyar oo awoodi waayay in ay bixiyaan lacagihii lagu soo dalllacay in xafiiska xeer ilaalintu amray in la fasaxo balse uu Maamulka Isbitaalku diiday.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cTaliska Booliiska Gobolka Banaadir wuxuu bulshada la wadaagayaa faahfaahinta dhacdo ka dhacday Isbitaalka Muqdisho ee degmada Yaaqshiid, taas oo la xiriirta hooyo lagu magacaabo Zamzam Maxamuud Cilmi, oo qalliin ku dhashay wiil 10 maalmood ka hor, iyadoo ay wajahaysay daryeel-xumo, isla markaana isbitaalku uu si sharci-darro ah u haystay,\u201d<\/em><\/strong> Sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliiska Gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>Warka ayaa intaas lasii raaciyay <strong><em>\u201cZamzam ayaa 19\/09\/2026 tagtay isbitaalka, halkaas oo qalliin loogu sameeyay, iyadoo 20\/09\/2026 ay dhashay wiil, Qoyskeeda oo danyar ah ayaa awoodi waayay inay bixiyaan kharashaadka caafimaad iyo jiifka, taas oo sababtay in maamulka isbitaalku dacwad ka gudbiyo aabbaha ilmaha, lana xiro\u201d<\/em><\/strong>.<\/p>\n<p><strong><em>\u201c28\/09\/2026, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo saaray amar horkeenis ah, iyadoo la faray in hooyada iyo ilmaheeda laga soo badbaadiyo xaaladda ay ku jireen, lana raaco habraaca sharciga\u201d<\/em><\/strong> ayaa lasii raaciyay qoraalka kasoo baxay Booliiska Gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>Booliiska oo difaacay tallaabada ciidamada ay gudaha ugu galeen Isbitaalka ayaa yiri <strong><em>\u201cCiidanka Booliiska ayaa amarka gaarsiiyay maamulka isbitaalka, iyagoo faray in hooyada iyo ilmaha la fasaxo, Hase yeeshee, maamulka isbitaalka ayaa diiday, kuna adkaystay in aan la sii deyn doonin illaa laga bixiyo lacagta lagu leeyahay, iyadoo kharashka jiifkooduna uu weli socdo, Hooyadu waxay wajahaysay xaalad caafimaad oo la xiriirta daryeel-xumo, Xeer-ilaalintuna ay amartay in Booliisku si degdeg ah u soo badbaadiyaan hooyada, aabbahana uu weli u xiran yahay maamulka isbitaalka\u201d<\/em><\/strong>.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cMarkii ciidanku u tageen fulinta amarka, waxaa dhacay is-mariwaa iyo rabshad dhex martay ciidanka iyo maamulka isbitaalka, iyadoo ay timid amar-diiddo iyo adeegsiga hub, taas oo keentay in ciidamadu hubkooda gudaha isbitaalka la galaan Si ay u badbaadiyaan hooyada oo ku jirtay xaalad daryeel-xumo ah, isla markaana go\u2019doon ku noqotay Gudaha isbitaalka oo aan wax cunto ah cunin dhowr maalmood\u201d<\/em><\/strong> ayaa qoraalka lasii raaciyay.<\/p>\n<p>Ugu dambayn waxa uu Booliiska Gobolka Banaadir qoraalka uu uga hadlay dhacdada ka dhacday Isbitaalka kusoo gabagabeeyay <strong><em>\u201cTaliska Booliisku wuxuu caddeynayaa in aan la oggolayn in goob dadweyne hub lala galo, Dhacdadan waxaa hadda ku socda baaris, waxaana sharciga la waafajin doonaa, maxkamaddana la horgayn doonaa maamulka isbitaalka oo ku kacay fal aad u fool xun, iyo cid kasta oo lagu helo fal sharci-darro ah ama khalad la xiriira dhacdadan\u201d<\/em><\/strong>.<\/p>\n<p>Dhacdadaan ayaa dhalisay falcelin kala duwan iyada oo la sugayo go\u2019aanka ugu dambeeya ee Hay\u2019adaha Garsoorka Dalka ka qaataan maadaama kiiskaan uu baaris ku socdo sida uu sheegay Taliska Booliiska Gobolka Banaadir, mana jiro war kasoo baxay Maamulka Isbitaalka dhacdadaan ka dhacday sidoo kalena eedaha culus loo jeediyay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 29 Sep 2026 {CBB}War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in baaris lagu wado dhacdo ka dhacday mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho oo muuqaallo laga soo duubay lagu arkay Ciidamo Booliis ah oo hub la dhex galay Isbitaalkaas. Muuqaallada waxaa ka dhex muuqday Dad kala cararaya kuwaas [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14842,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14841","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14841","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14841"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14841\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14843,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14841\/revisions\/14843"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14842"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14841"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14841"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14841"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}