{"id":14856,"date":"2026-09-29T11:00:32","date_gmt":"2026-09-29T11:00:32","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14856"},"modified":"2026-09-29T11:00:32","modified_gmt":"2026-09-29T11:00:32","slug":"dacwadaha-loo-haysto-axmed-rashiid-oo-la-horgaynayo-maxkamad-ku-taalla-kenya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14856","title":{"rendered":"Dacwadaha loo haysto Axmed Rashiid oo la horgaynayo Maxkamad ku taalla Kenya"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 29 Sep 2026 {CBB}<\/strong>Maxkamad ku taalla Kenya ayaa maanta dhagaysanaysa Caddaymaha kiiska lagu eedeeyay Axmed Rashiid oo katirsan Saraakiisha Amniga Xaafadda Islii waxaana loo haystaa in uu dad rayid ah ku dilay isla xaafaddaas sannadkii 2017.<\/p>\n<p>Maxkamadda Kibera Law Courts ayaa qaadaysa kiiskaan waxana Garsoore ka ah Diana Rachel Kavedza-Mochache waxaana fadhiga lagu dhagaysanayaa caddaymaha xeer ilaalinta ay ku xoojinayso kiiska loo haysto sarkaalkaan sida xogaha la helayo ay muujinayaan.<\/p>\n<p>Qareennada difaacaya Axmed Rashiid ayaa dhankooda diyaarsaday qodobada muhiimka ah ee looga difaacayo eedaha Xeer Ilaalinta, waxaana ay xoogga saareen marqaatiyaal ku filan kiiskaas si loo baabi\u2019iyo eedahaas ka dhanka ah muwakilkooda.<\/p>\n<p>Axmed Rashiid ayaa dilka lagu eedeeyay waxa uu dhacay 31kii Maarso 2017, waxaana kiiskiisa uu soo maray marxalado kala duwan iyada oo Xafiiska Xeer ilaalintu uu diyaariyay Marqaatiyaal iyo caddaymo oo horseedi kara in kiiskaas dartiis loo xukumo.<\/p>\n<p>Muuqaallo ay baahiyeen Warbaahin kala duwan waxa uu Axmed Rashiid kasoo muuqday isaga oo wata Bistoolad lana socdaan ciidamo kale isla markaana bartilmaameedsanaya goobaha lagu sheegay in ay joogaan Kooxaha burcadda ah ee dadka dhaca u gaysta.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 29 Sep 2026 {CBB}Maxkamad ku taalla Kenya ayaa maanta dhagaysanaysa Caddaymaha kiiska lagu eedeeyay Axmed Rashiid oo katirsan Saraakiisha Amniga Xaafadda Islii waxaana loo haystaa in uu dad rayid ah ku dilay isla xaafaddaas sannadkii 2017. Maxkamadda Kibera Law Courts ayaa qaadaysa kiiskaan waxana Garsoore ka ah Diana Rachel Kavedza-Mochache waxaana fadhiga lagu dhagaysanayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14857,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14856","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14856","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14856"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14856\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14858,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14856\/revisions\/14858"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14857"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14856"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14856"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14856"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}