{"id":14946,"date":"2026-10-03T11:26:07","date_gmt":"2026-10-03T11:26:07","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14946"},"modified":"2026-10-03T11:26:07","modified_gmt":"2026-10-03T11:26:07","slug":"wfp-malaayiin-yemeniyiin-ah-oo-ka-barakacay-colaadda-dalkooda-waxa-ay-wajahayaan-gaajo-iyo-biyo-laaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14946","title":{"rendered":"WFP: Malaayiin Yemeniyiin ah oo ka barakacay colaadda Dalkooda waxa ay wajahayaan Gaajo iyo biyo la\u2019aan"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabtii 3 October 2026 {CBB}<\/strong>Hay\u2019adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostagta ee WFP ayaa Warbixin ay kasoo saartay xaaladda qoysaska ku barakacay gudaha Yemen waxa ay ku sheegtay in malaayiin qof ay wajahayaan Cunno iyo biyo la\u2019aan.<\/p>\n<p>WFP ayaa sheegtay in dadkaan oo kasoo barakacay magaalooyin kala duwan in ay hadda ku nool yihiin Duleedka Cadan iyo Tacis, waxaana ay xustay in ay deggen yihiin guryo ka samaysan teendhooyin iyo baco ay ku dhiseen qoryo aan xoog badnayn.<\/p>\n<p>Qiyaastii 10 Milyan oo kamid ah Dadkaas waxa ay ka barakaceen dhulka ay maamusho Dowladda Caalamka aqoonsan yahay ee Yemen, halka 90% dadka kale ay kasoo baxeen deegaannada ay gacanta ku dhigeen Kooxaha Xuutiga ah.<\/p>\n<p>Dagaalka Sokeeye ee Yemen balse dhinacyada is haya ay la kala safan yihiin awooddo dibadda ah ayaa horseeday colaad saamaysay qoysas badan oo qaarkood markii ay u adkaysan waayeen hubka la isu adeegsanayo ku qasbanaaday in ay dalkaas isaga tagaan.<\/p>\n<p>Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hadda ay diiradda saarayso u gurmashada 1.5 Milyan oo qof oo u baahan in si degdeg ah loo siiyo Cunno iyo biyo iyada oo laga fakirayo saamaynta dambe ee xaaladdaas ka dhallan karta sida hadalka loo dhigay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabtii 3 October 2026 {CBB}Hay\u2019adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostagta ee WFP ayaa Warbixin ay kasoo saartay xaaladda qoysaska ku barakacay gudaha Yemen waxa ay ku sheegtay in malaayiin qof ay wajahayaan Cunno iyo biyo la\u2019aan. WFP ayaa sheegtay in dadkaan oo kasoo barakacay magaalooyin kala duwan in ay hadda ku nool yihiin Duleedka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":14947,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-14946","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14946","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14946"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14946\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14948,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14946\/revisions\/14948"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14947"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14946"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14946"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14946"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}