{"id":14999,"date":"2026-10-05T10:38:43","date_gmt":"2026-10-05T10:38:43","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14999"},"modified":"2026-10-05T10:38:43","modified_gmt":"2026-10-05T10:38:43","slug":"rw-xamse-oo-lagu-soo-dhaweeyay-ballanbale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=14999","title":{"rendered":"RW Xamse oo lagu soo dhaweeyay Ballanbale"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 5 Oct 2026 {CBB}<\/strong>Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Ballanbale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud halkaas uu uga qaybgalayo gogol lagu soo xirayo dib u heshiisiin loo sameeyay beelo maleeshiyaad kasoo jeeda ay horay u dagaalameen.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Taliyaha Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa qayb ka ahaa xubnaha soo dhaweeyay Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"filled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_4_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Ballanbale waxaa muddooyinkii dambe ka socday wadahadallo dhexmaray Odoyaasha dhaqanka ee Beelaha Maleeshiyaadkooda horay u dagaalamay si nabad loo qaato loona dhaqangeliyo qodobadii ay ku heshiiyeen.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa ayaa lagu wadaa in kulanka kaddib uu kormeero qaybo kamid ah Gobolka Galgaduud sida xarumo lagu tababarayo ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaarinayso iyo goobo kale.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 5 Oct 2026 {CBB}Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Ballanbale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud halkaas uu uga qaybgalayo gogol lagu soo xirayo dib u heshiisiin loo sameeyay beelo maleeshiyaad kasoo jeeda ay horay u dagaalameen. Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Taliyaha Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":15000,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14999","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14999","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14999"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14999\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15001,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14999\/revisions\/15001"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/15000"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14999"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14999"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14999"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}