{"id":15032,"date":"2026-10-06T09:35:34","date_gmt":"2026-10-06T09:35:34","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15032"},"modified":"2026-10-06T09:36:00","modified_gmt":"2026-10-06T09:36:00","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-sheegay-in-al-shabaab-aysan-mar-kale-dalka-gacanta-ku-dhigi-karin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15032","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 6 Oct 2026 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab uu sii socon karo muddo kale, balse uu meesha ka saaray suurtagalnimada in kooxdaasi mar kale la wareegto gacan-ku-haynta guud ee dalka.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_top tdi_62 td_block_template_1 \">\n<p>&nbsp;<\/p>\n<\/div>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay warbaahinta Al Jazeera ayaa sheegay in xaaladda amni ee Soomaaliya ay isbeddel weyn samaysay marka loo eego waqtiyadii hore, xilli uu sheegay in Al-Shabaab ay mar ka hawlgeli jireen meelo aad ugu dhow caasimadda Muqdisho.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Mogadishu Local News\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \">\n<p>&nbsp;<\/p>\n<div id=\"aswift_9_host\"><\/div>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<\/div>\n<p>Madaxweynaha ayaa sheegay in waqti hore kooxda ay si weyn ugu fidday gudaha Soomaaliya, isla markaana ay weerarro ka fulin jirtay goobo aad ugu dhow Madaxtooyada Soomaaliya, balse maanta ay boqolaal kiiloomitir u jirto Muqdisho.<\/p>\n<p>\u201cDagaalkani waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo yar oo dheeraad ah, laakiin ma jirto wax suurtagal ah oo Al-Shabaab ay mar kale dalka oo dhan kula wareegi karto,\u201d ayuu yiri Xasan Sheekh.<\/p>\n<p>Wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya iyo ciidamadeedu ay horumar ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda, isagoo ku dooday in awoodda Al-Shabaab ay maanta aad uga duwan tahay tii ay lahayd xilliyadii hore.<\/p>\n<p>Xasan Sheekh ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurtagalnimada in Soomaaliya ay dib ugu laabato dagaallo sokeeye, dagaallo beeleed ama khilaaf siyaasadeed oo isu beddela dagaal hubeysan.<\/p>\n<p>\u201cAl-Shabaab inay soo laabato waa wax aan suurtagal ahayn, sidoo kalena suurtagal ma aha in dalku dib ugu laabto dagaal sokeeye, dagaal beeleed ama dagaal siyaasadeed,\u201d ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Mucaaradka oo walaac ka qaba khilaafka siyaasadeed<\/p>\n<p>Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay ka taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa qaba in haddii Soomaalidu ay ku guuldarreysato inay xal ka gaarto khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha, xaaladdaasi ay fursad siin karto maleeshiyaadka Al-Shabaab inay dib u xoojiyaan awooddooda.<\/p>\n<p>Mucaaradka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in khilaafka siyaasadeed ee sii daba dheeraada uu wiiqi karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana uu sababi karo in beesha caalamku hoos u dhigto taageerada ay siiso Soomaaliya.<\/p>\n<p>Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku adkeystay in Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladihii ay kooxdu awoodda weyn ku lahayd qaybo badan oo dalka ah, isagoo sheegay in aysan jirin xaalad u saamaxaysa Al-Shabaab inay mar kale la wareegto guud ahaan dalka.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Mogadishu Local News\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<div class=\"td-a-rec td-a-rec-id-content_bottom tdi_63 td_block_template_1\">\n<div id=\"taboola-below-article-thumbnails\" class=\"trc_related_container tbl-feed-container render-late-effect tbl-feed-frame-DIVIDER\" data-feed-container-num=\"1\" data-feed-main-container-id=\"taboola-below-article-thumbnails\" data-parent-placement-name=\"Below Article Thumbnails\" data-pub-lang=\"en\">\n<div id=\"taboola-below-article-thumbnails-sca1\" class=\"trc_related_container tbl-trecs-container trc_spotlight_widget trc_elastic trc_elastic_above-the-feed-premium-card-fp-delta pad-down above-the-feed-placement\" data-card-index=\"1\" data-placement-name=\"Below Article Thumbnails | Injected 1\"><\/div>\n<div id=\"taboola-below-article-thumbnails-pl1\" class=\"tbl-feed-card trc_related_container tbl-trecs-container trc_spotlight_widget trc_elastic trc_elastic_thumbs-feed-01-delta\" data-card-index=\"1\" data-placement-name=\"Below Article Thumbnails | Card 1\">\n<div class=\"trc_rbox_container\">\n<div>\n<div id=\"trc_wrapper_260395025\" class=\"trc_rbox thumbs-feed-01-delta trc-content-sponsored\">\n<div id=\"outer_260395025\" class=\"trc_rbox_outer\">\n<div id=\"rbox-t2v\" class=\"trc_rbox_div trc_rbox_border_elm\">\n<div id=\"internal_trc_260395025\">\n<div class=\"videoCube trc_spotlight_item origin-undefined textItem thumbnail_top videoCube_1_child syndicatedItem trc-first-recommendation trc-spotlight-first-recommendation trc_excludable\" data-item-id=\"~~V1~~-1348159542120291668~~8jzLi0FhdwggQmqiKTkl1pvdQFffSYFy4rntnZfWVb-6IPhLITuV1BH1RdBS2BJDZRFkZIey9OMDWyESfnSEeiv8vqqfGi-M2DKID0W1UzYmEHQvBGgxKigjZn4V6t0XYUTpVsNmpIM1DhLuEFvR56cTuuM-bk1gpSvkSYbatBbBZL2PsxalzLz96PY0GaVYLDvgHp1_viFtgr8MFAEKg-u9w6zcFgNoW_XeXv6NYyp3pHnYRYzpduZMsmn57yEB9Im418SAOXmjojQxHwsGQcnEayT8RD8LVKoXnfM-CJ4\" data-item-title=\"Use an AI Writing Tool That Actually Understands Your Voice\" data-item-thumb=\"https:\/\/cdn.taboola.com\/libtrc\/static\/thumbnails\/d8bf95e538dc645d3bfca45ec40847d9.jpg\" data-item-syndicated=\"true\">\n<div class=\"thumbBlock_holder\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 6 Oct 2026 {CBB}Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab uu sii socon karo muddo kale, balse uu meesha ka saaray suurtagalnimada in kooxdaasi mar kale la wareegto gacan-ku-haynta guud ee dalka. &nbsp; Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay warbaahinta Al Jazeera ayaa sheegay in xaaladda amni [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":15034,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-15032","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15032","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=15032"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15032\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15036,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15032\/revisions\/15036"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/15034"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=15032"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=15032"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=15032"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}