{"id":15065,"date":"2026-10-08T10:42:59","date_gmt":"2026-10-08T10:42:59","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15065"},"modified":"2026-10-08T10:42:59","modified_gmt":"2026-10-08T10:42:59","slug":"warbaahinta-itoobiya-oo-wajahaysa-jahwareer-ka-dib-markii-ay-faafisay-maqaal-ka-dhan-ah-mw-xasan-sheekh","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15065","title":{"rendered":"Warbaahinta Itoobiya oo wajahaysa jahwareer ka dib markii ay faafisay maqaal ka dhan ah MW Xasan Sheekh"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamis 8 Oct 2026 {CBB}<\/strong>Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa boggeeda ka saartay maqaal si adag loogu dhaliilayay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu eedeeyay inuu qaatay siyaasado ka hor imaanaya danaha istiraatiijiga ah ee Itoobiya.<\/p>\n<p>Maqaalka, oo uu qoray saxafi Gezmu Edicha, ayaa lagu falanqeeyay mowqifka Soomaaliya ee arrimaha Badda Cas, Webiga Nile iyo xiriirka gobolka, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya lagu eedeeyay inuu Itoobiya \u201ckhiyaamay\u201d.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"filled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Ka saarista maqaalka ayaa dhalisay su\u2019aalo ku saabsan sababta ay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) u tirtirtay qoraalka iyo in wakaaladdu bixin doonto sharaxaad rasmi ah oo ku saabsan sababta keentay daabacaadda maqaalka, kaas oo loo arkayay mid ka hor imaanaya aragtida madaxda Itoobiya.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq2-1.fna.fbcdn.net\/v\/t39.99422-6\/838954798_1436186445323548_6266266662694643288_n.png?stp=dst-jpg_tt6&amp;cstp=mx1080x1277&amp;ctp=s1080x1277&amp;_nc_cat=107&amp;_nc_map=urlgen_bucketless&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=833d8c&amp;_nc_ohc=Dh3UFK1ankMQ7kNvwGn3wVh&amp;_nc_oc=AdrX3MgEObWqxVgPDtRS6-6aqQW02HEtvnMNP6MdCj7YtoBs0DyMbcPBpnEvZq00eXk&amp;_nc_zt=14&amp;_nc_ht=scontent.fmgq2-1.fna&amp;_nc_gid=UdgPD5ZO2SnxgjWeRyEwuw&amp;_nc_ss=7b2a8&amp;oh=00_AQMF-etfLFmmEE2ErILCu3uDugdCLyhaJQ0btV1KAH04xA&amp;oe=6ACD1808\" alt=\"May be an image of text\" \/><\/p>\n<p>Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Madaxweyne Xasan Sheekh uu xoojiyay xiriirrada Soomaaliya iyo dalalka gobolka, gaar ahaan Suudaan, Masar iyo Eritrea, isagoo kulamo la yeeshay madaxda dalalkaan, xilli uu kala hadlay xaaladda Geeska Afrika, amniga Badda Cas, xiriirka gobolka iyo arrimaha Webiga Nile.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale booqday Itoobiya, halkaas oo uu wadahadallo kula yeeshay madaxda dalkaas. Si kastaba, xiisadda Itoobiya iyo Eritrea ayaa sii kordhay, iyadoo gudaha Itoobiya ay ka jiraan colaado iyo isku dhacyo hubeysan oo ka socda deegaanno kala duwan.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"filled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_3_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Xaaladdan ayaa maqaalka ENA iyo ka saaristiisa ka dhigaysa arrin xasaasi ah, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay si muuqata u kordhisay xiriirrada ay la leedahay dalalka gobolka ee ku loollamaya saameynta siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Su\u2019aasha weli taagan ayaa ah sababta Wakaaladda Wararka Itoobiya ay maqaalka u daabacday, kadibna uga saartay boggeeda?<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamis 8 Oct 2026 {CBB}Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa boggeeda ka saartay maqaal si adag loogu dhaliilayay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu eedeeyay inuu qaatay siyaasado ka hor imaanaya danaha istiraatiijiga ah ee Itoobiya. Maqaalka, oo uu qoray saxafi Gezmu Edicha, ayaa lagu falanqeeyay mowqifka Soomaaliya ee arrimaha Badda Cas, Webiga Nile [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":15066,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-15065","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15065","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=15065"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15065\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15067,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15065\/revisions\/15067"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/15066"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=15065"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=15065"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=15065"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}