{"id":15071,"date":"2026-10-08T10:47:41","date_gmt":"2026-10-08T10:47:41","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15071"},"modified":"2026-10-08T10:47:41","modified_gmt":"2026-10-08T10:47:41","slug":"puntland-oo-war-ka-soo-saartay-xal-u-helida-colaada-ka-taagan-g-sanaag","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15071","title":{"rendered":"Puntland oo war ka soo saartay xal u helida colaada ka taagan G\/Sanaag."},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamis 8 Oct 2026 {CBB}<\/strong>Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa sheegay in shaqaaqadii dhexmartay beelaha walaalaha ah ee gobollada Sanaag iyo Haylaan ay marayso heer gabagabo ah, isagoo xusay in dhinacyadu ay gaareen is-afgarad lagu soo afjarayo colaadda.<\/p>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u201cWaxaan rabaa inaan bulshada u sheego in shaqaaqadii beelaha walaalaha ah ee gobolada Sanaag iyo Haylaan dhexmartay in xaaladdeedu maanta meel gabo gabo ah marayso oo laga heshiiyey, waxaana uga mahadcelinayaa cidkasta oo arrintaasi ka shaqaysay\u201d, Ayuu yiri Wasiir Cabdi Xirsi Cali (Qarjab).<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><ins class=\"adsbygoogle\" data-ad-client=\"ca-pub-8756589205009556\" data-ad-slot=\"1002323234\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_11_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Sanaag uu yahay gobol uu ku tilmaamay inuu kamid yahay meelaha Soomaaliya ugu horreeya dhinacyada xadaaradda, ilbaxnimada iyo nabadda, wuxuuna xusay in dagaalada ka dhacay deegaanku ay dad badan qaadan waa ku noqdeen maadaama ay ahayd dhacdo ku cusub bulshada deegaanka, isagoo xusay in waxgaradka iyo dhinacyada ay tahay inay ka shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa heshiiska iyo xasilloonida.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Somalia travel guide\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u201cGobolka Sanaag wuxuu kamid yahay gobolada dhanka xadaaradda, ilbaxnimada iyo nabadda ugu horreeya guud ahaan Soomaaliya, meelkasta oo xaddaaraddu ku horraysana waxaa u qiimaysan ahmiyadda nabadda iyo horumarku lee yahay, cidkasta oo waxgarad ah arrinta gobolkaan ka dhacday mucjiso ayey ku noqotay sababtoo ah waa wax ku cusub, waxaanna doonaynaa in la soo afmeero aysan dib u soo laaban ayna dhinacyadu nabadda u hoggaansamaan\u201d, Ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Puntland.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamis 8 Oct 2026 {CBB}Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa sheegay in shaqaaqadii dhexmartay beelaha walaalaha ah ee gobollada Sanaag iyo Haylaan ay marayso heer gabagabo ah, isagoo xusay in dhinacyadu ay gaareen is-afgarad lagu soo afjarayo colaadda. \u201cWaxaan rabaa inaan bulshada u sheego in shaqaaqadii beelaha walaalaha ah ee gobolada Sanaag [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":15072,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-15071","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15071","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=15071"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15071\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15073,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15071\/revisions\/15073"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/15072"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=15071"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=15071"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=15071"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}