{"id":15109,"date":"2026-10-10T11:01:49","date_gmt":"2026-10-10T11:01:49","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15109"},"modified":"2026-10-10T11:01:49","modified_gmt":"2026-10-10T11:01:49","slug":"sawiro-wasaaradda-awqaafta-koonfur-galbeed-oo-baraawe-ku-soo-xirtay-tababar-ku-saabsan-nabadda-iyo-dhexdhexaadinta-bulshada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15109","title":{"rendered":"Sawiro;-Wasaaradda Awqaafta Koonfur Galbeed oo Baraawe ku soo xirtay Tababar ku Saabsan Nabadda iyo Dhexdhexaadinta Bulshada"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabtii 10 Oct 2026 {CBB}<\/strong><strong>Baraawe<\/strong> \u2013 Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee\u00a0 Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baraawe ku soo xirtay tababar muddo saddex maalmood ah u socday culimada, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Baraawe.<\/p>\n<p>Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray doorka culimada ee dhexdhexaadinta iyo wada-hadalka bulshada, xallinta khilaafaadka, xoojinta nabadda iyo ka hortagga rabshadaha. Tababarka waxaa taageertay hay\u2019adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP).<\/p>\n<p>Isku-duwaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee degmada Baraawe, Cabdulkadir Maxamuud Aweys, ayaa sheegay in tababarku ka-qaybgalayaasha siiyey aqoon muhiim ah oo ay uga qayb qaadan karaan wacyigelinta bulshada, xallinta khilaafaadka iyo xoojinta nabadda deegaanka.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Mubaarak, ayaa ka hadlay muhiimadda tababarka iyo kaalinta ay culimada iyo bulshada ku leeyihiin yareynta rabshadaha, dhiirrigelinta wada-hadalka iyo dhismaha bulsho nabad ku wada nool.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka, isaga oo ka-qaybgalayaasha kula dardaarmay inay aqoonta ay kororsadeen u gudbiyaan bulshada, kana shaqeeyaan xoojinta nabadda, wacyigelinta dadweynaha iyo ka hortagga rabshadaha.<\/p>\n<p>Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo doorka culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta wada-noolaanshaha bulshada degmada Baraawe.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-15110\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.23-PM-300x169.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"169\" srcset=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.23-PM-300x169.jpeg 300w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.23-PM-1024x576.jpeg 1024w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.23-PM-768x432.jpeg 768w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.23-PM-747x420.jpeg 747w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.23-PM-640x360.jpeg 640w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.23-PM-681x383.jpeg 681w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.23-PM-1021x580.jpeg 1021w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.23-PM.jpeg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-15111\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-1-300x169.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"169\" srcset=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-1-300x169.jpeg 300w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-1-1024x576.jpeg 1024w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-1-768x432.jpeg 768w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-1-747x420.jpeg 747w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-1-640x360.jpeg 640w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-1-681x383.jpeg 681w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-1-1021x580.jpeg 1021w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-1.jpeg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-15112\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-300x169.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"169\" srcset=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-300x169.jpeg 300w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-1024x576.jpeg 1024w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-768x432.jpeg 768w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-747x420.jpeg 747w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-640x360.jpeg 640w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-681x383.jpeg 681w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM-1021x580.jpeg 1021w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/WhatsApp-Image-2026-10-10-at-1.55.24-PM.jpeg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabtii 10 Oct 2026 {CBB}Baraawe \u2013 Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee\u00a0 Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baraawe ku soo xirtay tababar muddo saddex maalmood ah u socday culimada, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Baraawe. Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray doorka culimada ee dhexdhexaadinta iyo wada-hadalka bulshada, xallinta khilaafaadka, xoojinta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":15111,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-15109","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15109","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=15109"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15109\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15113,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15109\/revisions\/15113"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/15111"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=15109"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=15109"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=15109"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}