{"id":15122,"date":"2026-10-10T11:17:15","date_gmt":"2026-10-10T11:17:15","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15122"},"modified":"2026-10-10T11:17:15","modified_gmt":"2026-10-10T11:17:15","slug":"guddoomiyaha-degmada-bardaale-oo-kulan-amniga-kala-yeeshay-odayaasha-dhaqanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15122","title":{"rendered":"Guddoomiyaha Degmada Bardaale oo Kulan Amniga Kala Yeeshay Odayaasha Dhaqanka"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabtii 10 Oct 2026 {CBB}<\/strong><strong>Bardaale, Gobolka Bay<\/strong> \u2013 Guddoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobolka Bay, Mudane Maxamed Isaaq Xasan Arcase, ayaa kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka degmada, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga guud ee degmada iyo deegaannada hoos yimaada.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta amniga, ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, iyo sidii loo sii adkeyn lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa maamulka degmada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaanka.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Degmada Bardaale ayaa odayaasha dhaqanka kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin sugidda amniga, ka hortagga falalka amni-darrada iyo xallinta khilaafaadka bulshada. Waxa uu sidoo kale ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin maamulka degmada iyo laamaha amniga, si loo ilaaliyo nabadda loogana hortago wax kasta oo wax u dhimaya xasilloonida deegaanka.<\/p>\n<p>Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay guddoomiye ku-xigeennada degmada ee arrimaha bulshada, maamulka iyo maaliyadda, howlaha guud iyo guryeynta, iyo Lataliyaha Sare ee Maamulka Degmada Bardaale.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiinta iyo odayaasha dhaqanka ayaa kulanka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga bulshada iyo maamulka, si wadajir looga shaqeeyo sugidda amniga iyo xal u helidda caqabadaha ka jira degmada.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Maamulka Degmada Bardaale uu ku doonayo xoojinta amniga, adkeynta nabadda iyo xasilloonida, iyo dhismaha wada-shaqeyn joogto ah oo dhex marta maamulka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabtii 10 Oct 2026 {CBB}Bardaale, Gobolka Bay \u2013 Guddoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobolka Bay, Mudane Maxamed Isaaq Xasan Arcase, ayaa kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka degmada, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga guud ee degmada iyo deegaannada hoos yimaada. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta amniga, ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, iyo sidii loo sii adkeyn [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":15123,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-15122","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15122","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=15122"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15122\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15124,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15122\/revisions\/15124"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/15123"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=15122"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=15122"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=15122"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}