{"id":15129,"date":"2026-10-13T08:55:59","date_gmt":"2026-10-13T08:55:59","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15129"},"modified":"2026-10-14T08:56:48","modified_gmt":"2026-10-14T08:56:48","slug":"shan-askariy-gorgor-ah-oo-lacagta-arooskooda-lagu-abaal-mariyey-baydhabo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15129","title":{"rendered":"Shan Askariy Gorgor ah oo Lacagta Arooskooda Lagu Abaal-mariyey Baydhabo."},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaadio 13 Oct 2026 {CBB}<\/strong>Iyadoo la fulinayo ballan-qaadkii Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar \u201c Gen Khaalid\u201d ayaa maanta lacagihii loogu talagalay kharashaadka arooska la guddoonsiiyey shan askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor, gaar ahaan Ururka 171 guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaandooska GorGor.<\/p>\n<p>Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballan-qaadkii uu Taliyuhu hore ugu sameeyey askarta kaas oo muujinaya garab istaagga iyo daryeelka loo fidinayo xubnaha ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Askarta la guddoonsiiyey lacagahan ayaa fursad u helay inay taageero dhaqaale u helaan diyaarinta munaasabadahooda arooska taas oo qayb ka ah dhiirrigelinta iyo tixgelinta ciidamada naftooda u huraya difaaca dalka iyo ilaalinta amniga shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Tallaabadan ayaa sidoo kale muujinaysa muhiimadda ay leedahay daryeelka ciidamada iyo fulinta ballan-qaadyada loo sameeyo, si loo xoojiyo niyadda, kalsoonida iyo isku xirnaanta hoggaanka iyo ciidamada<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaadio 13 Oct 2026 {CBB}Iyadoo la fulinayo ballan-qaadkii Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar \u201c Gen Khaalid\u201d ayaa maanta lacagihii loogu talagalay kharashaadka arooska la guddoonsiiyey shan askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor, gaar ahaan Ururka 171 guutada 17aad Qeybta 1aad ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":15130,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-15129","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15129","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=15129"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15129\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15131,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15129\/revisions\/15131"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/15130"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=15129"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=15129"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=15129"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}