{"id":15211,"date":"2026-10-20T16:47:57","date_gmt":"2026-10-20T16:47:57","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15211"},"modified":"2026-10-20T16:47:57","modified_gmt":"2026-10-20T16:47:57","slug":"sawiro-hoggaamiye-sheekh-aadan-madoobe-oo-muqdisho-kula-kulmay-madaxweynihii-hore-ee-koonfur-galbeed-shariif-xasan-sheekh-aadan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15211","title":{"rendered":"Sawiro;-Hoggaamiye sheekh aadan madoobe oo muqdisho kula kulmay madaxweynihii hore ee koonfur galbeed shariif xasan sheekh aadan"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 20 Oct 2026 {CBB}<\/strong><strong>Muqdisho, 20-ka Oktoobar 2026:<\/strong> Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.<\/p>\n<p class=\"x12ofw9d\">Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, nabadeynta, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo dadaallada lagu doonayo in dib loogu xoreeyo degmooyinka ay gacanta ku hayaan kooxaha Khawaarijta.<\/p>\n<p class=\"x12ofw9d\">Labada mas\u2019uul ayaa kulanka ku yeeshay is-weydaarsi aragtiyo ku saabsan muhiimadda ay leedahay xoojinta nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada, iyagoo adkeeyay baahida loo qabo in la sii ambaqaado dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida siyaasadeed iyo tan amni ee deegaanada Koonfur Galbeed.<\/p>\n<p class=\"x12ofw9d\">Sidoo kale, kulanka ayaa lagu muujiyay muhiimadda wada-tashiga iyo iskaashiga siyaasadeed ee dhex mara hoggaanka hadda jira iyo mas\u2019uuliyiintii hore, si loo mideeyo dadaallada lagu horumarinayo dowladnimada, dib-u-heshiisiinta iyo nabad ku wada noolaanshaha bulshada.<\/p>\n<p class=\"x12ofw9d\">Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Aadan Xasan Maxamed (Usaama), Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdinaasir Yuusuf Maxamed.<\/p>\n<p class=\"x12ofw9d\">Kulankan ayaa qeyb ka ah wada-tashiyada siyaasadeed ee lagu xoojinayo iskaashiga, nabadda iyo horumarka deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 20 Oct 2026 {CBB}Muqdisho, 20-ka Oktoobar 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha amniga, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":15216,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-15211","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15211","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=15211"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15211\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15219,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15211\/revisions\/15219"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/15216"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=15211"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=15211"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=15211"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}