{"id":15298,"date":"2026-10-24T14:31:56","date_gmt":"2026-10-24T14:31:56","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15298"},"modified":"2026-10-24T14:31:56","modified_gmt":"2026-10-24T14:31:56","slug":"wasiirka-gaashaandhigga-xfs-oo-la-kulmay-safiirrada-uk-iyo-midowga-yurub","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15298","title":{"rendered":"Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay safiirrada UK iyo Midowga Yurub"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabtii 24\u00a0 Oct 2026 {CBB}<\/strong>Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay safiirrada Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Order Calendars\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<p>Wasiir Fiqi ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King, iyaga oo ka wada hadlay taageerada UK ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-114379\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/FB_IMG_1792851035488.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/FB_IMG_1792851035488.jpg 2048w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/FB_IMG_1792851035488-300x200.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/FB_IMG_1792851035488-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/FB_IMG_1792851035488-768x512.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/10\/FB_IMG_1792851035488-1536x1024.jpg 1536w\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1365\" \/><\/p>\n<p>Sidoo kale, wasiirka ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, L\u00e1szl\u00f3 M\u00e1th\u00e9, kaas oo ay ka wada hadleen horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, tayeynta hay\u2019adaha amniga iyo xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Buy Maps\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<p>Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay UK iyo Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in la sii xoojin doono ay leedahay sii xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay labada dhinac.<\/p>\n<p>Kulamadan ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo awoodda ciidamada dalka iyo sugidda amniga gaar ahaan si ay ula wareegaan mas\u2019uuliyadda dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabtii 24\u00a0 Oct 2026 {CBB}Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay safiirrada Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga. Wasiir Fiqi ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King, iyaga oo ka wada hadlay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":15300,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-15298","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15298","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=15298"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15298\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15301,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15298\/revisions\/15301"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/15300"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=15298"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=15298"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=15298"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}