{"id":1553,"date":"2024-12-01T06:25:20","date_gmt":"2024-12-01T06:25:20","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1553"},"modified":"2024-12-01T06:25:47","modified_gmt":"2024-12-01T06:25:47","slug":"israil-oo-gaza-ku-dishay-laba-ka-mid-ah-shaqaalaha-gargaarka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1553","title":{"rendered":"Isra\u2019il oo Gaza ku dishay laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka."},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 01, Dec 2024 {CBB}<\/strong>Ciidamada Isra\u2019il ayaa Sabtidi shalay duqeyn cirka ah ku dilay laba nin oo ka mid ahaa shaqaalaha gargaarka ee ka shaqeeya Gaza, gaar ahaan Hey\u2019adda hey\u2019adda cuntooyinka kasoo ururisa dunida ee World Central Kitchen.<\/p>\n<p>Bayaan kasoo baxay millatariga Isra\u2019il ayaa lagu sheegay in, in mid ka mid ah labada qof ee la dilay uu ka qeybgalay weerarki ay Xamaas ku qaadday Isra\u2019il 7-badi bishi October ee sannadki 2023-ki.<\/p>\n<p>Isra\u2019il ma aysan sheegin wax caddeyn ah oo muujinaya in uu qeyb ka ahaa weerarki todobadi October. Qoyska Axad Cazmi Qadeex ayaa beeniyay eedaha Isra\u2019il kuna tilmaamay been abuur ay ku xalaaleysteen dilkiisa.<\/p>\n<p>Waxay sheegeen in uu ahaa injineer noloshiisa u huray howlaha samafalka Gaza.<br \/>\nBaabuur ay la socdeen isaga iyo qofka kale ee Falastiiniga ahaa ee lala dilay ayaa lagu dhuftay madfac xilli ay marayeen gudaha degmada Khan Younis ee koofurta Gaza.<\/p>\n<p>World Central Kitchen waxay xaqiijisay weerarka cirka ahaa, isla markaana sheegtay in aysan waxba kala socon in shaqaalaheeda ay ku lug lahaayeen weerarki 7-badi October.<\/p>\n<p>Hey\u2019addan samafalka ayaa dhanka kale sheegtay in ay hakineyso howlaheeda gargaarka ee ay ka waddo Gaza, isla markaana sheegtay in ay si deg deg ah u sugeyso faah faahinta.<\/p>\n<p>Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay ilaa shan ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Gaza.<\/p>\n<p>Goor danbe oo xalay aheyd, ayay hey\u2019adda caalamiga ah ee dhanka gargaarka ee Save the Children shaacisay, in mid ka mid ah shaqaalaheeda oo lagu magacaabo Axmed Feysal Isliim oo 29 jir ahaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay Isra\u2019il ku qaadday Khan Younis shalay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 01, Dec 2024 {CBB}Ciidamada Isra\u2019il ayaa Sabtidi shalay duqeyn cirka ah ku dilay laba nin oo ka mid ahaa shaqaalaha gargaarka ee ka shaqeeya Gaza, gaar ahaan Hey\u2019adda hey\u2019adda cuntooyinka kasoo ururisa dunida ee World Central Kitchen. Bayaan kasoo baxay millatariga Isra\u2019il ayaa lagu sheegay in, in mid ka mid ah labada qof ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":1554,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-1553","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1553","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1553"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1553\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1555,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1553\/revisions\/1555"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1554"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1553"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1553"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1553"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}