{"id":1559,"date":"2024-12-01T06:34:54","date_gmt":"2024-12-01T06:34:54","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1559"},"modified":"2024-12-01T06:34:54","modified_gmt":"2024-12-01T06:34:54","slug":"agaasimihii-hore-ee-nisa-fahad-yaasiin-oo-eedo-layaab-leh-ujeediyay-mucaaradka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=1559","title":{"rendered":"Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo eedo layaab leh ujeediyay MUCAARADKA."},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 01, Dec 2024 {CBB}<\/strong>Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal ui ciwaan uga dhigay \u201c\ud835\udc74\ud835\ude50\ud835\udc6a\ud835\ude3c\ud835\udc68\ud835\ude4d\ud835\udc68\ud835\ude3f\ud835\udc72\ud835\ude3c \ud835\ude43\ud835\udc68\ud835\ude47 \ud835\ude3d\ud835\udc68\ud835\ude3c \ud835\ude4e\ud835\udc6c\ud835\ude40\ud835\udc6e\ud835\ude4f\ud835\udc68\ud835\ude54, \ud835\udc7e\ud835\ude3c\ud835\udc73\ud835\ude44\ud835\udc7a\ud835\ude40 \ud835\ude3f\ud835\udc68\ud835\ude3d\ud835\udc68 \ud835\udc78\ud835\ude3c\ud835\udc69\ud835\ude3c\ud835\udc7a\ud835\ude43\ud835\udc6c\ud835\ude40\ud835\udc80 \ud835\udc73\ud835\ude40\ud835\udc6c\ud835\ude54\ud835\udc70\ud835\ude43\ud835\udc70\ud835\ude44\ud835\udc75\u201d Fahad ayaa qoraalkaan uga hadlay qadiyadda mucaaradka ee arrinta Jubbaland.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay in doodaha mucaaradka ay ku qurxoonaa lahaayeen inay ku qotomaan afkaar iyo aragti oo aysan noqon \u2018mucaradnimo soo taagan kaliya.\u2019<\/p>\n<p>\u201cHaddii Madaxweyne Xasan Sheekh lagu diidan yahay hirgalinta dastuur aan la isku raacsanayn iyo doorasho aan heshiis lagu ahayn, sidee baa loogu hambalyeynayaa Axmed Madoobe, oo la ogyahay inuusan qabanin doorasho xalaal ah oo hufnaan iyo wada tashi aan ku dhisnayn,\u201d ayuu yiri Fahad Yaasiin oo dagaal soo jireen ah uu kala dhexeeyo Axmed Madoobe.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay in Axmed Madoobaha ay mucaaradku taageereen uu baddalay dastuurkii Jubbaland, isla markaana toshay shaar la eg oo u ogolaanaya inuu xilka u tartamo laba jeer wax ka badan.<\/p>\n<p>\u201cMucaaradnimo ku dhisan ku xumayn waxay dhashaa inaad lumiso jihaynta siyaasada, saxna maahan iney dhaqan noqoto in la taageero maamullada markay sharciga ku tumanayaan, iyadoo haddana Dowlada Federaalka lagu maagayo markay ku kacdo isla ficilladaas,\u201d ayuu yiri Fahad Yaasiin.<\/p>\n<p>Isagoo talooyin siinaya mucaaradka ayuu sheegay inay haboon tahay in aragtiyadooda ay dhinac isku raacdo oo ay mabaadii\u2019 ku saleeyaan, si mowqifkooda iyo qowlkooda loogu kalsoonaado.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa iga su\u2019aale goormaan gaaraynaa mucaarad ku dhisan qiyam iyo mabaadi\u2019 joogta ah?\u201d Ayuu su\u2019aalay Fahad Yaasiin.<\/p>\n<p>Sidoo kale Fahad ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu soo arkay mucaaradnimo bilaa mabda\u2019 ah hadaladeeda sida ay isaga hor imaanayaan.<\/p>\n<p>\u201cXanuunka ay leedahay mucaaradnimo noocaas ah waxaa laga warsan karaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta dhibbane u ah khudbadihiisii waaguu mucaaradka ahaa,\u201d ayuu yiri Fahad Yaasiin oo caawa soo saaray qoraalkaan.<\/p>\n<p>Mucaaradka ay hoggaamiyaan Sheekh Shariif, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Kheyre ayaa si cad u taageeray Axmed Madoobe, iyagoo ku xumeynaya saaxiibkoodii hore Xasan Sheekh oo hadda talada dalka haya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 01, Dec 2024 {CBB}Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal ui ciwaan uga dhigay \u201c\ud835\udc74\ud835\ude50\ud835\udc6a\ud835\ude3c\ud835\udc68\ud835\ude4d\ud835\udc68\ud835\ude3f\ud835\udc72\ud835\ude3c \ud835\ude43\ud835\udc68\ud835\ude47 \ud835\ude3d\ud835\udc68\ud835\ude3c \ud835\ude4e\ud835\udc6c\ud835\ude40\ud835\udc6e\ud835\ude4f\ud835\udc68\ud835\ude54, \ud835\udc7e\ud835\ude3c\ud835\udc73\ud835\ude44\ud835\udc7a\ud835\ude40 \ud835\ude3f\ud835\udc68\ud835\ude3d\ud835\udc68 \ud835\udc78\ud835\ude3c\ud835\udc69\ud835\ude3c\ud835\udc7a\ud835\ude43\ud835\udc6c\ud835\ude40\ud835\udc80 \ud835\udc73\ud835\ude40\ud835\udc6c\ud835\ude54\ud835\udc70\ud835\ude43\ud835\udc70\ud835\ude44\ud835\udc75\u201d Fahad ayaa qoraalkaan uga hadlay qadiyadda mucaaradka ee arrinta Jubbaland. Wuxuu sheegay in doodaha mucaaradka ay ku qurxoonaa lahaayeen inay ku qotomaan afkaar iyo aragti oo aysan noqon \u2018mucaradnimo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":1560,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1559","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1559","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1559"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1559\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1561,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1559\/revisions\/1561"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1560"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1559"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1559"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1559"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}