{"id":15748,"date":"2026-11-07T07:32:45","date_gmt":"2026-11-07T07:32:45","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15748"},"modified":"2026-11-07T07:32:45","modified_gmt":"2026-11-07T07:32:45","slug":"taliyaha-ciidanka-xoogga-dalka-oo-kormeer-ku-sameeyay-magaalada-baraawe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15748","title":{"rendered":"Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeer Ku Sameeyay Magaalada Baraawe."},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabtii 7 Nov 2026 {CBB}<\/strong>\u00a0Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S\/Gaas Ibrahim Maxamed Maxamud, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maamulka degmada Baraawe, ayaa kormeer ku sameeyay xarumaha muhiimka ah ee magaalada Baraawe, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.<\/p>\n<p>Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa booqday Isbitaalka magaalada, Saldhigga Booliska, xarunta maamulka gobolka, Madaxtooyada iyo Suuqa Weyn ee magaalada, halkaas oo ay si guud ugu kuurgaleen xaaladaha amni, adeegyada bulshada iyo habsami u socodka shaqada xarumahaasi.<\/p>\n<p>Intii uu kormeerku socday, Taliyaha ayaa sidoo kale la kulmay shacabka ku dhaqan magaalada, isagoo dhageystay aragtidooda, cabashooyinkooda iyo talooyinkooda ku aaddan xaaladda guud ee magaalada iyo amniga.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Taliyaha ayaa booqday saldhigga ay ku sugan yihiin Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee u xilsaaran difaaca xeebaha dalka, halkaas oo uu kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha, kuna bogaadiyay doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan ilaalinta xeebaha, badqabka shacabka iyo sugidda amniga qaranka.<\/p>\n<p>Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu xoojinayo amniga, lagula soconayo xaaladaha guud ee deegaannada dalka, laguna adkeynayo wada-shaqeynta Ciidanka Xoogga Dalka, maamulka degmada iyo bulshada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabtii 7 Nov 2026 {CBB}\u00a0Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S\/Gaas Ibrahim Maxamed Maxamud, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maamulka degmada Baraawe, ayaa kormeer ku sameeyay xarumaha muhiimka ah ee magaalada Baraawe, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa booqday Isbitaalka magaalada, Saldhigga Booliska, xarunta maamulka gobolka, Madaxtooyada iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":15749,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-15748","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15748","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=15748"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15748\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15750,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15748\/revisions\/15750"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/15749"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=15748"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=15748"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=15748"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}