{"id":15754,"date":"2026-11-07T07:36:49","date_gmt":"2026-11-07T07:36:49","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15754"},"modified":"2026-11-07T07:36:49","modified_gmt":"2026-11-07T07:36:49","slug":"sawiro-hogaamiye-liibaan-oo-hub-iyo-gaadiid-ciidan-ku-wareejiyay-hayadaha-amniga-galmudug","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=15754","title":{"rendered":"Sawiro;-Hogaamiye Liibaan oo Hub iyo Gaadiid Ciidan Ku Wareejiyay Hay\u2019adaha Amniga Galmudug."},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabtii 7 Nov 2026 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta goobjoog ahaa madal uu Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan ku wareejiyey gaadiid, hub iyo saanad ciidan oo uu si gaar ah u lahaa, kuwaas oo hore loogu adeegsan jirey hawlgalladii lagula dagaallamayey Khawaarijta, laguna wareejiyey hay\u2019adaha amniga Galmudug.<\/p>\n<p>Munaasabadda wareejinta oo qabsoontay maalin kadib caleemasaarkii hogaanka cusub ee Galmudug, ayuu Hoggaamiye Liibaan ka caddeeyey in gaadiidka, hubka iyo saanadda ciidan ee uu wareejiyey ay wixii maanta ka dambeeya si rasmi ah u noqonayaan hanti ay leedahay Galmudug, kana mid ahaanayaan agabka hay\u2019adaha amniga xitaa marka ay dhammaato muddada xil-hayntiisu.<\/p>\n<p>\u201cDowladnimadu waxay ku dhisan tahay in awoodda iyo agabka amnigu ay gacanta ugu jiraan hay\u2019adaha dowladda ee sharcigu awoodda u siiyey, halkii ay ahaan lahaayeen hanti gaar ah oo ay leeyihiin shakhsiyaad, ganacsato ama siyaasiyiin,\u201d ayuu yiri Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan.<\/p>\n<p>Hoggaamiyaha ayaa tilmaamay in tallaabadani qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo tayada hay\u2019adaha amniga Galmudug, si loo dardargeliyo hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo xusay muhiimadda ay hoggaamintiisa u leedahay in amniga Galmudug la gaarsiiyo heer lagu kalsoonaan karo, kaas oo suurtagelinaya kobaca maalgashiga, ganacsiga iyo dalxiiska, isla markaana u saamaxaya hay\u2019adaha caalamiga ah in ay si nabadgelyo leh u gutaan hawlahooda.<\/p>\n<p>Go\u2019aanka hoggaamiyaha cusub ayaa sidoo kale xambaarsan farriin dhiirogelin ah oo ku socota madaxda, siyaasiyiinta iyo cid kasta oo haysata hub iyo agab ciidan oo gaar loo leeyahay, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaannada Galmudug.<\/p>\n<p>Wareejintani waxay qayb ka tahay aragtida hoggaanka cusub ee ku wajahan dhismaha hay\u2019ado amni oo awood leh, lehna agab iyo saanad dowladeed oo aan ku xirnayn isbeddelka hoggaanka siyaasadeed, si loo xaqiijiyo nabad waarta, dowladnimo sugan iyo horumar loo dhan yahay.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-15755\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/Gaadiid-696x464-1-300x200.webp\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/Gaadiid-696x464-1-300x200.webp 300w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/Gaadiid-696x464-1-630x420.webp 630w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/Gaadiid-696x464-1-537x360.webp 537w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/Gaadiid-696x464-1-640x427.webp 640w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/Gaadiid-696x464-1-681x454.webp 681w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/Gaadiid-696x464-1.webp 696w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-15756\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/Gadiid-Dagaal-696x464-1-300x200.webp\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/Gadiid-Dagaal-696x464-1-300x200.webp 300w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/Gadiid-Dagaal-696x464-1-630x420.webp 630w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/Gadiid-Dagaal-696x464-1-537x360.webp 537w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/Gadiid-Dagaal-696x464-1-640x427.webp 640w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/Gadiid-Dagaal-696x464-1-681x454.webp 681w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/Gadiid-Dagaal-696x464-1.webp 696w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-15757\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/wa-1536x1025-1-300x200.webp\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/wa-1536x1025-1-300x200.webp 300w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/wa-1536x1025-1-1024x683.webp 1024w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/wa-1536x1025-1-768x513.webp 768w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/wa-1536x1025-1-629x420.webp 629w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/wa-1536x1025-1-537x360.webp 537w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/wa-1536x1025-1-640x427.webp 640w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/wa-1536x1025-1-681x454.webp 681w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2026\/11\/wa-1536x1025-1.webp 1536w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabtii 7 Nov 2026 {CBB}Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta goobjoog ahaa madal uu Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan ku wareejiyey gaadiid, hub iyo saanad ciidan oo uu si gaar ah u lahaa, kuwaas oo hore loogu adeegsan jirey hawlgalladii lagula dagaallamayey Khawaarijta, laguna wareejiyey hay\u2019adaha amniga Galmudug. Munaasabadda wareejinta oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":15757,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-15754","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15754","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=15754"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15754\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15758,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15754\/revisions\/15758"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/15757"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=15754"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=15754"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=15754"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}